Duqayn ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose

0
Thursday January 16, 2020 - 23:43:25 in Wararka by
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqayn ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose

    Duqayn kale oo la sheegay in lala beegsaday Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona la sheegay in lagu dilay laba xubnood oo Shabaabka ka tirsanaa. Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqayn kale oo la sheegay in lala beegsaday Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona la sheegay in lagu dilay laba xubnood oo Shabaabka ka tirsanaa. Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka waxay duqayntan ka dhacday meel 25km dhinaca waqooyi kaga toosan Deegaanka Kuunyo Barrow, oo hoos-tagga Degmada Baraawe.

"Duqayn lagu khaarajiyay maleeshiyaad ka tirsanaa xagjirka Al Shabaab ayaa galabta laga fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose.” ayaa lagu yiri war goor dhow ka baxay Telefishinka Qaranka.

Warka ayaa lagu yiri "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16 January duqayn cirka ah ka fuliyay deegaan 25km dhanka waqooyi kaga beegan Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaas oo ay ciidanku ku dileen laba ka tirsan argagixisada Al Shabaab.”

Waxa kaloo lagu sheegay "War ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa horjooge-yaal cadawga ka tirsan, isla-markaana intii hawlgalkaasi socday aan wax khasaare ahi ka soo gaarin dadka shacabka ah.”

Shabaabka ka dagaalama Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa toddobadyadii la soo dhaafay ku socday dagaalka dhul iyo cirba leh, taasoo waxyeelo kala duwan lagu gaarsiiyay.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa door muuqdo ku leh gulufka militari ee lagu hayo Shabaabka hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip