Madaxda Hirshabelle & Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho (SAWIRRO)
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho socdaal ku yimid Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Labada Madaxweyne oo diyaarad ka soo raacay Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ku soo dhaweysay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ma cadda ujeedada ay xilligan u yimaadeen Magaalada Muqdisho, balse waxay Magaalada Baydhabo kaga qaybgaleen Shirka Iskaashiga ee Maamulada Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed.
Madaxda Koonfur Galbeed & Hirshabelle ayaa waxaa la tilmaamaa inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka, iyadoona ay dadku isla dhex maraan inay ku shaqeeyan afkaarta Villa Somalia.
Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaah Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay kulan ku leeyihiin Magaalada Boosaaso.
Madaxda Hirshabelle & Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho (SAWIRRO)
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho socdaal ku yimid Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Labada Madaxweyne oo diyaarad ka soo raacay Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada B