Al-Shabaab oo la sheegay inay kaalin ku laheyd magacaabista Guddoomiyaha rugta Ganacsiga G/Banaadir
Qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sheegay in magacaabista guddoomiyaha Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdulaahi Xasan ay lug ku lahaayeen ururka Alshabaab.
Barnaamij maanta laga baahiyay laanta afka soomaaliga ee Codka Maraykanka ayaa wareysi ay la yeelatay qaar ka mid ah ganacsatada waxa ay ku sheegeen in loo yeeray ganacsatada ayna tageen deegaan ka mid ah gobolka Sh/hoose laguna amray in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir.
Wareysi lala yeeshay guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdulaahi ayuu ku sheegay in uu magacaabay guddoomiyaha rugta ganacsiga qaranka Maxamud Cabdulaahi Gabayre.
Sidoo kale guddoomiyaha rugta ganacsiga qaranka Gabayre ayaa u sheegay laanta afka soomaaliga ee VOA in uu isagu magacaabay guddoomiyaha cusub iyo xubnaha kale.
Xilka Guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir ayaa muddo saddex sano ah banaanaa kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore C/rashiid Ilqeyte,ganacsataduna ay ku heshiin waayeen ciddii bedeli lahayd.
Mid kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay walwal weyn ka qabaan awooda ururka Al-Shabaab ee ay ku dhex leeyihiin gobolka Banaadir gaar ahaan dhinaca ganacsiga.
xigasho:-jowhar.com