Ciidamada Mareykanka uu tababaray oo dilay nin oday ah kadibna qaatay meydkiisa

0
Thursday January 16, 2020 - 23:18:32 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mareykanka uu tababaray oo dilay nin oday ah kadibna qaatay meydkiisa

    Nabadoon caan ka ahaa Goobolka Shabeelaha Hoose iyo deeganada hoos taga degmada Wanlaweyn ayaa la dilay sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online. Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla X

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabadoon caan ka ahaa Goobolka Shabeelaha Hoose iyo deeganada hoos taga degmada Wanlaweyn ayaa la dilay sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online. Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Xudurweyne ee degmada Wanlaweyn. Wararka laga helayo deegaanadaas ayaa sheegaya iney dilka geysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa uu tababaray Mareykanka ee ku sugan Shabeelaha Hoose.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka nabadoonkaan caanka ka ahaa deegaanadaas, ragga dilka geystay ayaa horay u qaatay meydka nabadoonka waxeyna ka yimaadeen dhinaca Balli-doogle.

Valueimpression Placeholder

Bulshada ku dhaqan deeganaadaas ayaa ka argagaxay dilka Nabadoonka, waxaana la rajeynayaa in qaar ka mid ah odayaasha deegaanka ay aadaan xerada Balli-doogle si ay meydka nabadoonka u dalbadaan.

x




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip