Ole Gunnar Solskjaer Oo Si Cad Uga Hadlay Haddii Uu Marcus Rashford Ciyaarsiin Doono Kulanka Liverpool Ee Axadda

0
Thursday January 16, 2020 - 22:54:30 in Wararka by
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ole Gunnar Solskjaer Oo Si Cad Uga Hadlay Haddii Uu Marcus Rashford Ciyaarsiin Doono Kulanka Liverpool Ee Axadda

    Manchester United waxay samayn doontaa wax kasta oo u suurtogelin kara in Marcus Rashford uu taam u noqdo kulanka Liverpool ee Axadda, sida uu sheegay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo warbaahinta la hadlay kaddib guushii ay xalay ka gaadheen Wolves.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United waxay samayn doontaa wax kasta oo u suurtogelin kara in Marcus Rashford uu taam u noqdo kulanka Liverpool ee Axadda, sida uu sheegay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo warbaahinta la hadlay kaddib guushii ay xalay ka gaadheen Wolves. Rashford ayaa beddel kusoo galay qaybta dambe ee kulankii xalay ay 1-0 kaga adkaadeen ee Wolves, laakiin 16 daqiiqadood oo kaliya markii uu garoonka ku jiray, waxay isku dhaceen Matt Dohery, taas oo sababtay in uu dhaawac dhabarka ah soo gaadho.

Dhaawacan ayaa keenay in xalayba ay bilaabanto hadal-haynta ah haddii uu Rashford ciyaari kari doono kulanka Liverpool ay ugu tegi doonaan Anfield Axadda soo aaddan, waxaana arrintaas ka jawaabay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo sheegay in laacibkiisan 14-ka gool ee horyaalka Premier League u dhaliyey ay ku dedaali doonaan in si degdeg ah loo daaweeyo si uu u ciyaaro kulankaas.

"Si dhaqso ah ayuu u bogsadaa, hubaashiina xanuun ayuu ku ciyaari doonaa haddii uu awoodo, haddiii aanay dhaawac khatar ah noqonin. Laakiin waxa aanu aragnay inuu dhibaatooday waqti dambe, waxayna sii badatay markii uu daalay.”” Ayuu yidhi tababare Solskjaer oo hadalkiisa sii raaciyey: "Runtii heerkiisii ugu sarreeyey ayuu ku jiray xili ciyaareedkan, wax kastana waanu samayn doonaa si uu taam ugu noqdo kulanka Axadda. Haddii uu taam noqon waayo, waxa aanu ciyaari doonaa isaga la’aantii.”

Rashford waxa uu haystaa saddex maalmood oo uu ugu soo kabto ciyaarta Liverpool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip