Waxa uu sheegay in dowladdu ciidan ka dhigtay ciyaalkii koolada dhuuqi jiray ee ku sugnaa buundada Ansalooti, mida kale ee Km4, Ceelgaabta iyo goobo ay caan ku ahaayeen caruurtaasi oo intooda badan derbi-jiif ahaa.
"Lama aamini karo qoryaha loo dhiibay ciyaalka dowladdu ciidameysay” ayuu yiri Prof. Yaxye Sh. Caamir oo sheegay in dhibaatada heysata dhallinyarada ay saameysay xitaa kuwii qurbaha laga keenay si dalka gudihiisa loogu dhaqan celiyo, hase yeeshee ay iyana ka hoos kaceen dhallinyaro la yiraahdo "Local Diaspora”.
Waxa uu sheegay in ciyaal Diaspora ay ka hoos kaceen kuwo kale oo iyaga isku ekeysiinaya, balse dhaqankii ka habaabinaya isla markaana daroogo noocii ay doonto ha ahaatee siinaya iyadoo waalidka wiilka dalka loo keenay dhaqan toosin ka sii darayo taasina ay meesha ka saarto welwelka halka uu ku dambeynayo mustaqbalka caruurtooda.
"Xarumaha lagu dhaqan celiyo dadka lagu dhaqan celiyo qaarkood waxay ka dhigaan dadka kuwo mustaqbalka noqonaya qof qof kale ku tiirsan” ayuu yiri Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay in loo geysto jirdil fara badan oo qofka ka dhigaya inuu naafo noqdo iyo dhaawacyo aan ka bogsi lahayn.
Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo la hadlayay radio Dalsan ayaa daraasadiisa waxaa kale oo uu sheegay inuu ka sameeyay Jaadka, isagoona tilmaamay in maanta la marayo reer miyiga in dhiishii ay caanaha ku keeneen dib loo celinayo iyadoo uu Jaad ku jiro, taasina waa caqabadaha ay daroogada ku heyso bulshada qeybaheeda kala duwan.
"Dhiisha caanaha lagu keeno Jaad ayaa lagu qaadaa” ayuu yiri Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay xitaa in dalka la keenay daroogo budo ah oo sanka laga qaato balse aanu weli helin magaceeda.
Waxaa kale oo Barfasoorku sheegay in dawooyinka dalka la soo geliyay ee dhibaatada ku haya dadka uu ka mid yahay kaniini lagu magacaabo "Tramadole” kaasi oo dhaqaatiirtu u qoraan qofka dhaawaca ah, hase yeeshee qofka sida khaldan u isticmaala khasab ku noqoneyso mar kastaba inuu u baahdo, waxayna taasi sii kordhisay khatarta caafimaad ee soo gaareysa dhallinyaro badan oo haatan iyagu isticmaala.
Waxaa Diyaariyay:
Jabriil M. Nur (Jabra-shaaciye)
E-mail: jabriil@journalist.com
PROF. Yaxye oo daraasad aan caadi ahayn ka sameeyay isticmaalka daroogada (Kaalinta Dawooyinka)
Prof. Yaxye Sheekh Caamir ayaa ka hadlay daraasad uu ka sameeyay isticmaalka daroogada noocyadeeda kala duwan, wuxuuna ka digay khatarta ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan. Waxa uu sheegay aqoonyahanka in kaniiniga lagu ma