Dowladda Soomaaliya'' Waxaan howlgal ku dilnay Madaxii Qaraxyada Ururka Al-shabaab

0
Thursday January 16, 2020 - 19:47:24 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya'' Waxaan howlgal ku dilnay Madaxii Qaraxyada Ururka Al-shabaab

    Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhexe ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ku dileen madaxii Qaraxyada u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab
Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo  ka hadlay Guutada DANAB ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed howl gal ay sameeyeen ayaa  waxaa uu  shee gay in howlgalka oo laga fuliyay degmada Wanlaweyn  waxaana uu sheegay in howlgalkaasi  lagu dilay  nin isagoo yiri "shaqsiga ka hor inta aan la toogan ayuu la dagaamay  ciidamadii howlgalka ku jiray.

 

 sidaas daraadeed  la toogtay"

dhinaca kale waxaa uu intaa raaciyey  Qofka la dilay  magaciisana  uu ku sheegay Maxamed Cismaan Xuseen Buluush oo ay ku eedeeyeen in uu Al-shabaab uga madax ahaa Howlgalada Qaraxyada.

 

      Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada dowladda ee Sooamaaliya.

      Dhawaan ayeey aheyd howlgal ciidamada dowladda ay sidoo kale ka sameeyeen deegaanka Toora-tooroow lagu dilay xubno sarsare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

hase yeeshee warar ka dib soo baxay ayaa sheegaya in habeenimadiiba ay ciidmada dowladda ka soo baxeen deegaanka tooraratooroow iyadoo ay ku noqdeen ciidmada al shabaab ee hore looga qabsaday iyadoo aanay wali wax war ah ka soo bxin  dhinaca dowladda sababta ciidmada ugu soo noqdeen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip