Macalimiin iyo Tababarayaal Iskuul oo ka baxay gobolka Waqooyi bari Kenya

0
Thursday January 16, 2020 - 10:15:19 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalimiin iyo Tababarayaal Iskuul oo ka baxay gobolka Waqooyi bari Kenya

    Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegaya in macalimiin iyo tababarayaan ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ee dalkaasi ay ka baxsadeen halkaasi, kadib markii cabsi badan ay soo wajahday. Arintan ayaa ka damb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegaya in macalimiin iyo tababarayaan ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ee dalkaasi ay ka baxsadeen halkaasi, kadib markii cabsi badan ay soo wajahday. Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay kordheen weerarada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya. Wargeyska ayaa sheegay in xiligan ay cabsi badan soo foodsaartay macalimiinta kale ee ku haray gobolka waqooyi bari Kenya. Al-shabaab ayaa dhawaan weerartay Bas ay saarnaayeen dad shacab ah oo u dhashay dalka Kenya, kaasi oo marayay duleedka degmada Mandhera kuna sii jeeday magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku dhinteen 28 qof oo macalimiin ku jiraan. Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa wacad ku maray in ay dagaal adag la gali doonaan Al-Shabaab. Todobaadyadii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa kordhiyey weeradada ay ka fuliyaan Kenya, iyagoona beegsanayey saldhigyada ciidamada dalkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip