HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 16-JANAAYO-2020

0
Thursday January 16, 2020 - 10:04:49 in Wararka by
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 16-JANAAYO-2020

    Khilaaf ka soo cusboonaaday degmada Gaalkacyo ka dib xil ka qaadis uu sameeyey Xaaf Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in khilaaf hor leh uu ka soo cus boonaaday Gaalkacyo, kadib markii ma daxw eynaha Galmudug uu xil ka qaadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf ka soo cusboonaaday degmada Gaalkacyo ka dib xil ka qaadis uu sameeyey Xaaf Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in khilaaf hor leh uu ka soo cus boonaaday Gaalkacyo, kadib markii ma daxw eynaha Galmudug uu xil ka qaadis ku same eyey mas'uuliyiinta degmadaasi. Duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hory imid xil ka qaadista lagu sameeyey, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay. Xirsi ayaa carabka ku dhuftay in xilligaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uusan xil ka qaadis iyo magacaabis toona sam eyn karin, sidaa daraadeedna uu weli yahay duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gob olka Mudug. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu xil ka sii heyn doono illaa madaxweyne cusub loo dooran doono hoggaanka dowlad gobol eed ka Galmudug. Duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Ba rre ayaa hadda ku sugan Dhuusamareeb, wux uuna qeyb ka yahay ololaha doorashada Galm udug ee ka socda magaaladaasi. Xaaladda guud ee Galmudug oo weli is jiid jiid ku jirto ayaan la ogeyn sida xal looga gaari ka ro khilaafka ka taagan dhismaha maamulka asi oo la doonayo inuu noqdo mid loo dhan yahay.
Imaaraatka Carabta oo todobaadkaan 5,000 oo Ari ah ka Dhoofsanaya Somaliland
      Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u bilo wdo dhoofinta xoolaha ee Imaaraatka Carabta toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Uganda.
Shixnad u socota ka bariga dhexe ayaa lagu wadaa inay ka dhoofto  dekada Somaliland ee Be rbera iyada oo ay saaranyihiin tiro ka badan 5,000 oo Adhi ah. Tani waxay timid bilo kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu wadahadal la yeeshay hoggaanka UAE inta lagu guda jiray booqashadii bishii Abriil ee la soo dhaafay.
      Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la sameeyo gudi isku dhaf ah oo qaabilsan dhoofinta xoolaha."Waxaan heshiis la gaarnay dalka Isutaga Imaaraatka carabta in la dhiso guddi dhoofinta xoolaha nool oo ay wada dhis taan labada dal," ayuu yiri Professor Yaasiin Maxamuud Xiir 'Faratoon', Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soma liland.
     Guddigaan wuxuu ka qeyb qaadan doo naaa dhammaan arrimaha la xiriira caafima adka, dhoofinta, iyo sharciyeynta dhoofinta xoolaha.
Shirka nabad galyada iyo xuduudaha ee DDS iyo Puntland oo ka furmay M/ Wardheer
     Shirka iskaashiga iyo adkaynta nabad galiy ada xuduudaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo dawlad gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Shalayy ka furmay maga alada Wardheer ee xarunta gobalka Doollo.
Taliyaha ciidamada Ethiopia major general Bal ey Zawdhu, ayaa ka qeyb galay shirkaan, iya doo dhanka deegaankana ay ka qeyb galeen ku xigeenka hoggaanka nabad galyada Cabd ilaahi Maxamed, taliyaha guud ee ciidamada gaarka ah R/komishiner Maxamed Axmed Maxamuud iyo masuuliyiin kale.
Puntland, waxaa uga qeyb galay, Wasiirka ari maha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhab ancad, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha Cabdiqafaar Xaange iyo wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi.
      Shirkaan la iskugu yimid ayaa ka dambee yay kadib markii ay kordheen falalka nabad gelyo xumada ee kusoo gudba  xuduudaha labada dhinac.
      Dowlad degaanku wuxuu dhawaan magaa lada Qardheer  ku qabtay gaari lagusoo qar iyay waxyaabaha qarxa oo la sheegay inuu ka soo galay dhinaca Puntland, waxaa sidoo kale jiray in dmabiilayaal dambiyo kasoo gala dhin acooda ay usoo baxsadaan dhinaca degaa nada Puntland.
      Dhinaca Puntland, waxay qaati ka taagan yihiin maandooriyaha Qamriga oo si aan kala joogsi lahayn loogasoo galiyo dhinaca xud uuda Ethiopia, taasoo abuurtay nabad gal xu mo iyo fasahaad bulshada dhexdeeda ah.
ABSHIR BUKHAARI: "Sharcigaan waxaa ka muuqata in weriyihii la rabo dowladdu aqoonsi siineyso”
       Sanatar Abshir Axmed Bukhaari oo ka mid ah Sanatarrada aqalka sare ee Golaha Baarla maanka ayaa khudbad aan caadi aheyn waxa uu ka jeediyay xar unta golahaasi oo looga doodayay sharci ku saabsan arri maha warbaa hinta, isagoona sheegay in qaar ka mid ah qodobadaasi ay u muuqdaan kuwo aan ka tarjumeyn xorriyadda saxaafadda.
     Sanatarka oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha aqalka sare ayaa sheegay in qaar ka mid ah qodobada ay yihiin kuwo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo, sida qe exitaanka baraha bulshada, websityada gaar ka loo leeyahay iwm.
        "Sharcigaan waxaa ka muuqata in weriyi hii la rabo dowladdu aqoonsi siineyso” ayuu yiri guddoomiye Ku xigeen Abshir Bukhaari oo ka hadlayay qodob ka mid ah sharcigaasi oo qeexayay warbaahinta xorta ah iyo kuwa qar anka.
       Abshir Bukhaari oo khudbad u jeedinayay guddiga arrimaha Saxaafadda dalka oo dowla dda federaalka hor dhigtay Golaha Baarlam aanka si ay u ansixiyaan sharcigaasi muhiimka ah.
      Dhinaca kale Sanatarka ayaa ku taliyay in guddiga looga baahan yahay inaysan ku deg degin ansixinta sharcigaas, isagoo ku eede eyay Dowladda Soomaaliya inay dooneyso saxaafad aan ka tarjumeyn danaha xorriyadda, madax bannaanida saxaafadda iyo qaabka ay u maareyneyso baraha bulshada iyo qodobo kale.
Sanatar Abshir Bukhaari oo asal ahaan aqoon buuxda u leh howlaha warbaahinta ahna milk iilaha idaacadda Radio Goobjoog ee magaal ada Muqdisho, isagoo ka soo shaqeeyay warb aahinta gudaha iyo tan caalamka, haatanna waa guddoomiye ku xigeen ka ah golahaasi u ololeynayaa sidii ganafka loogu dhufan lahaa sharcigaasi.
Araaji qabashada musharixiinta Guddoon ka Baarlamaanka Galmudug oo bilaa batey
     Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baar lamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Shalay ka gudd oomey Mushar ixiinta Guddoon ka Baarlam aanka 2aad Araajida iyo Taariikh nololeed kooda. Guddiga ayaa waxaa ay araajida iyo taarii khooda kala wareegeen,Xildhibaan Max amed Nuur Gacal,Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan & Cabdulalahi Axmed Calas ow oo isku-soo sharaxay xilka guddoomiyaha Baarl amaanka Galmudug.
     Sidoo kale waxaa ay araajida iyo taariikho oda kala wareegeen Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo u tartamaya guddoomiye kuxigeen ka labaad ee Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno kale.
      Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baa rlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Dorraad  oo Talaado aheyd waxaa ay soo sareen shuruudaha laga doonayo mushari xiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.
 
Ergayga Q/Midoobay ee Bariga Afrika oo ka hadlay socdaal uu ku tagay Muqdisho
      Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoo bay ee Geeska Afrika ayaa booqday Soom aaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dal ka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020.
       Sarkaalka UN-ka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soo maaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kul may wakiillo kala duwan oo heer qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga gobolka, doorashooyinka, horumarka, gargaarka iyo arrimo kale.
      Kulamada Mr. Onanga-Anyanga waxaa ka mid ahaa kulan uu la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, Balal Moha med Usman, kuwaas oo uu kala hadlay muhii madda wada hadalku u leeyahay nabadda iyo barwaaqada gobolka.
     Wuxuu la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaran ka, Xaliima Ibraahim, waxayna ka wada-hadl een qaar ka mid ah caqabad aha iyo furs adaha la xiriira kalsoonida iyo hufnaanta doorashada soo socota ee dalka, ('hal-qof, hal cod')
      Ergeyga Gaarka ah ayaa yiri "Doorashooy inku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin qaran laakiin waxay sidoo kale hor seedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qar amada Midoobay", ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.
      Mr. Onanga-Anyanga wuxuu sidoo kale la hadlay wakiilo ka socda ururada bulshada rayi dka ah ee Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka siyaas adeed ee loo dhan yahay iyo doorka macnaha leh ee haweenka iyo dhalinyarada ay ka ciyaa rayaan howshan.
Doorashada Golaha deegaanka Diinsoor oo la dhameystirey
      Wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa muddooy inkan dambe waxaa ay ku howlaneed dhisida golayaasha deegaanadda ee degmooyinka koonfur galbe ed si loo xoojiyo tiirka dowladaha hoose loona xaqiijiyo hananka wadajirka dowlada iyo shac abka taasi oo tilmaan u ah hergalinta yoolka dowladaha hoose.
       Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa si loo xoojiyo nidaamkan waxaa ay ku guuleysatay dhisida laba degmo oo hore kala ah Hudur Bar daale iyo degmada Diinsoor oo ah degmadii sadaxaad oo Shalay la doortay 21-keeda xi ldhibaan kuwaasi oo 10-ka mid ah ay yihiin dumar halka 11-ka kalena ay yihiin rag.
Sidoo kale waxaa la filayaa in degmooyin ka kale ee Maamulka Koonfur Galbeed loo same eyo gole deegaan si ay iyaga u doortaan maa mulada degmooyi nkaas.
Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab
       Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Shalay magaalada Kismaayo waxaa ay kusoo ban dhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegeen inay isku-soo dhiibeen.
      Xubnahaan oo garaya Sideed ayaa waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro,waxaana la shee gay in muddo dhowr sano ah ay ka tirsan aayeen Ururka Al-Shabaab,hayeeshee ay kasoo baxeen.
      Sarakiil ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in on Xubnahaan ay la soo xiriireen si ay uga soo baxaan Al-Sha baab lana soo dhaweeyey,sidoo kalena la gee yey xarun lagu haayo Xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab.
       Jubbaland ayaa maalma ka hor waxaa ay sidaan oo kale u soo bandhigtay Xubin ka tirs anaa Al-Shabaab kana howlgeli jireyu Gobolka Gedo,kaas oo isku soo dhiibaey Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmada Balad Xaawo. 
Soomaaliland oo shaacisey sababta loo toogtey lixda Nin
      Soomaaliland ayaa faah faahin guud wax aa ay ka bixisey sababaha keenay in dil tooga sho Shalay lagu fuliyo Lix Nin oo qaarkood in ka badan 9 Sano ku xirnaa Xabsiga Magaa lada Mandheera ee Magaalada Gibileey.
     Qoraal kasoo baxay Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa lagu soo bandhigey Magacyada la toogtey iyo dambiyadii lagu ee deeeyey oo ahaa inay dad horay u dileen.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xeer ilaalinta guud ee Somaliland.
      Iyadoo la fulinaayo amarka maxkamad sarre waxaa , Shalay oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daq iiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.
1: Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxa med , kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay Ex-Askari Police Marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.
2: Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuu suf, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Ismaaciil Faarax Maxamad.
3: Khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .
4: Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khali il, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay mar xuun Ibraahin Axmad Muuse.
5: Ceydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaas oo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuum Idiris Daa’uud Jaamac.6: Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaas oo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuum Garaad Aadan Maxamad.
AFRICOM oo sameysay qirasho la xiriir ta raggii fuliyey weerarka Manda Bay
    Militariga Mareykanka ayaa qirtay inay ba xsadeen qaar ka mid ah raggii fuliyey weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.
      Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo ka kooban askari iyo laba qanadaraasle, halka laba kalena lagu dhaawacay.
      Afhayeenka taliska ciidamada Mareyk an ka Africa ee AFRICOM, Col. Christoph er Ka rns ayaa email uu u diray wargeyska Washin gton Post ku qirtay inay baxsadeen qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaa day. Qirash adan ayaa imaneysa ayada oo dowladda Ke nya ay horey u sheegtay in la wada dilay raggii weerarkaas fuliyey.
       AFRICOM ayaa sidoo kale saraakiil sare u dirtay saldhigga Manda Bay, si ay baaritaan ugu sameeyaan weerarkaas, iyo sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay inay soo galaan saldhigga.
"Al-Shabaab waa koox aan arxan lahayn, waa na in wax laga qabtaa ka hor inta aysan gaarin goobo kale, oo ay ka mid tahay damacooda ah inay weeraraan muwaadiniinta Mareykanka iyo gudaha dalka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen.
Nin la socday mooto bajaaj oo Habeen hore lagu dilay Magaalada Muqdisho
    Wararka ka imaanaya MMuqdisho ayaa sheegaya in Xalay lagu dilay nin la socday mo oto bajaaj, kaasoo sida la sheegay hubeysnaa.
     Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ninkan ku toogtay agagaarka Iskuul Muqdisho ee Degmada Shibis, wax yar uun ka dib, markii uu askarigaasi arkay in mootada uu saaran yahay nin qori ku hubeysan.
     Halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa bar kontorool oo gaadiidka lagu hubiyo ku leh Ciid amada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwooda ka hawlgala Degmada Shibis.
     Goobjooge ayaa sheegay in ninka la dilay uu ku hubeysnaa qori AK47, isla-markaana aanu wadan wax dareys ah.
       Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhac ay, iyadoona ambulance goobtaasi looga
 qaaday meydka ninkii la dilay.
 
Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay mashr uuc Deg. Kaxda laga fulinayo 
      Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Ban aadir ahna Duqa M/Muqdisho, Cumar Maxam uud Maxamed (Cumar Finish) ayaa Shalay dhagax dhigay mashruuc laga samaynayo     Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
 
      Mashruucan ayaa waxaa lagu dhisaya xar un caafimaad oo bulshada si lacag la’aan ah loogu adeegi doono, sidoo kale waxaa ma shruucan qayb ka ah mid lagu hirgelinayo isku ul, ay si bilaash ah wax ugu baran doonaan ardayda iyo Masjid ay dadka deegaanka ku cibaadeystaan.
      Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka had lay mashruucan ayaa sheegay inuu faa’iido weyn u leedahay bulshada ku dhaqan Degma da Kaxda.
       Duqa M/Muqdisho ayaa ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu dardar-gelin doono mashaariicda kor loogu qaadayo horu marinta Magaalada Muqdisho.
G/Degmada Kaxda, Maxamed Yuusuf Max amed oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faa hiyay nooca uu yahay mashruucan laga fulin ayo degmadiisa.
     Aadan Sheekh Cali Fiidow, Gudoomiye Kux igeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isna sheegay inay muhiimad ga ar ah siin doonaan hirgelinta adeegyada asaa siga ah.
Xildhibaanada Galmudug oo la sheegay in loo diiday kaarka Aqoonsiga
     Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in xu bno ka mid ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay diideen in ay bixiyaan Aqoonsiga, islamar kaa na loo sheegay in mid ka mid ah Musha raxiin ta Gudoonka baarlamaanka markii ay doortaan la siin doono.
      Xildhibaanada ayaa sheegay in hadda ay san aheysan wax aqoonsi oo ku aadan in Cad eynta ah in ay yihiin Xildhibaano si ay u code eyaan.
      Walaac badan ayaa laga muujiyay sida la gu kala aqoonsan doono Xildhibaanada iyo dadka caadiga ah xilliga doorashadda Guddo onka baarlamaanka.
      Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Galm udug ayaa Shalay sheegay dhankooda in xildh ibaanada aysan heysan wax aqoonsi oo dhi baato badan lagu haayo.
      Wararka qaar ayaa sheegaya  in Xildhiba anada Shuruud looga dhigay doorashadda Mid ka mid Musharaxiinta xilka Gudoomiyaha baar lamaanka kadibna loo ogolaan doono kaarka.Xigasho:-radiorisaala.com
Dagaal dhex-maray Millateriga iyo sirdoonka Sudan
      Shan qof, oo ay ku jiraan laba askari, ayaa la dilay kadib markii ciidamada Sudan ay Sha lay weerareen wakiilo ka tirsan sirdoonka laga baqo ee dalkaas oo gadooday
Talaadadii, rasaas culus ayaa laga maqlay qaar ka mid ah saldhigyada hay’adda sirdo onka NISS ee Khartoum, kadib markii wak iilada hay’addaas ay diideen qorshe howlgab oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta cusub ee dalkaas.
Xubnaha NISS ayaa hormuud u ahaa weer arkii lagu qaaday dibad-baxayaasha intii uu socday kacdoonkii lagu riday madaxweyne Omar al-Bashir, bishii April 20119.
Goor dambe oo Talaadadii ahayd ciidamada militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF ayaa ku xoomay xarumaha sirdoonka kadib markii rasaasta laga maqlay.
"Waxaan go’aansanay inaan weerarno xaruma ha si loo soo geba-gebeeyo kacdo  onkan … waxaana hadda la wareegnay sal dhigyada,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay mad axa shaqaalaha madaxtooyada Sudan Gen eral Osman Mohamed al-Hassan.
     "Waxaa naga dhintay laba askari, waxaana naga dhaawacmay afar kale oo ay ku jiraan laba sarkaal.” Ayuu yiri.
      Dhinaca kale, dhaqaatiir ayaa sheegay in saddex qof oo shacab ah – oo dhammaantood isku qoys ahaa – ay sidoo kale ku dhinteen ras aas la isku weydaarsaday meel ku dhow saldh igga NISS ee Koonfurta Khartoum. Wiil dhalli nyaro ah ayaa sidoo kale la dhaawacay.
Afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Saleh ayaa sheegay in wakiilada NISS ay gadood een kadib markii ay diideen lacagta loogu qon deeyey inay howlgab uga noqdaan shaqada.
Soomaaliya & QM oo ka wada hadley kordhinta taageerada
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay , Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Q.M isla markaana ah Iskuduwaha arrimaha bani’aadannimada ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
 
Danjire Cawad iyo Adam Abdelmoula ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada lagu doonayo in lagu sameeyo iskaashi waxgal leh iyo taageero hey’ad si kor loogu qaado heerka gargaarka bani’aadannimo iyo barnaamijyada horumarinta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Qaramada Midoobey uga mahad celiyey taageerada joogtada ah oo ay had iyo jeer siiyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Duqayn ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Suuriya.
Ugu yaraan 18 ruux oo shacab ah ayaa dhimatay kadib markii laduqeeyay suuq iyo aag warshadeed oo ku yaalo gobolka Idlib ee dalka Suuriya gaar ahaan qaybta ay haystaan kooxaha falaagada.
 
Kooxaha indha indheeya xaalada Suuriya ayaa sheegaya in weerarka ay si wada jir ah u fuliyeen diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa Suuriya.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay bur burtay xabad joojin ay horaantii bishan ku dhawaaqeen dowladaha Ruushka iyo Turkiga.
Magaalada Idlib ayaa caasimad u ah gobolka waqooyi galbeed ee dalka Suuriya oo isla magacan loo yaqaano, waana goobta ay ugu xoogan yihiin falaagooyinka ku kacsan dowladda madaxwayne Bishaar al-Asad.
Wali dolwdaha Ruushka iyo Suuriya midna ma’uusan ka hadlin weerarkan ugu danbeeyay oo ay dadka badan oo shacabka ah ku wax yeeloobeen.
Macalimiin iyo Tababarayaal Iskuul oo ka baxay gobolka Waqooyi bari Kenya
Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegaya  in macalimiin iyo tababarayaan ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ee dalkaasi ay ka baxsadeen halkaasi, kadib markii cabsi badan ay soo wajahday.
 
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay kordheen weerarada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.
Wargeyska ayaa sheegay in xiligan ay cabsi badan soo foodsaartay macalimiinta kale ee ku haray gobolka waqooyi bari Kenya.
Al-shabaab ayaa dhawaan weerartay Bas ay saarnaayeen dad shacab ah oo u dhashay dalka Kenya, kaasi oo marayay duleedka degmada Mandhera kuna sii jeeday magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku dhinteen 28 qof oo macalimiin ku jiraan.
Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa wacad ku maray in ay dagaal adag la gali doonaan Al-Shabaab.
Todobaadyadii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa kordhiyey weeradada ay ka fuliyaan Kenya, iyagoona beegsanayey saldhigyada ciidamada dalkaasi. 


 
IMISA WADDAN AYAA HEYSATA HUBKA NUCLEAR-KA, MEEQA XABBO AYAASE TAALLA ADDUUNKA?
 
    Xilligan oo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, sheekadan waxaad wax ba dan uga fahmi kartaa arrimaha hubka nuclear-ka.
   Hubkan waxaa loo aqoonsaday inuu ya hay midka wax gumaada ee khasaara ha ugu weyn u geysan kara dunida.
      Qaraxyadiisu aad ayey u awood badan yihiin, hal bam bo oo nuclear ahna wax ay baabi'in kartaa magalo dhan.
      Qumbuladaha nuclear-ka waxay aad uga wax yeello badan yihiin xitaa bambada ugu weyn add uunka ee aan nuclear-ka ahayn Waxaa jira wadd amo badan oo ay ka mid tahay Iiraan, kuwaasoo aan loo oggoleyn inay yeeshaan awoodda nuclear-ka, halka kuwo kalena ay heystaan.
      Waxaa laga yaabaa in aad su'aalo dho wr ah is ka weydiiso arrimaha nuclear-ka- laakiin ha walw alin, waxaan isku soo toosinay jawaabaha aad uga baahan tahay inta badan su'aalahaas.
MUXUU YAHAY HUBKA NUCLEAR-KA?
    Waa qaraxyo si xad-dhaaf ah u awood badan.
  Waxaa laga yaabaa inaad xasuusatid erayada "atoms" iyo "isotopes", haddii aad soo dhigatay ma adada seyniska- kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaan ka loo maro sameynta bambooyinka nuclear-ka.
     Bambooyinku waxay tamartooda ka hel aan ato ms-yada oo kala fida ama isu imaada oo si wadajir ah cuf u sameeya. Taasi waa sababta mararka qaar bambaanooyin ka nuclear-ka loogu yeero "atomic bomb".
     Hubka nuclear-ka wuxuu sii daayaa xa ddi aad u farabadan oo shucaac ah -   kaasoo ah mid sababi kara waxyeello badan - sidaas darteedna saameynt oodu wa xay sii jiri kartaa xitaa marka uu qaraxa dhaco ka dib.
       Hase ahaatee labo jeer oo kaliya ayaa la adeeg saday taariikhda dunida – wa xaana lagu dhuftay waddanka Japan,   sanadkii 1945-kii, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Markaas wax ay bambooyinkan sababeen musiibo weyn iyo khasaare nafeed oo laga xishoodo in tiradiisa la sheego.
      Shucaacii ka dhashay bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima wuxuu socday dhowr bilood, wuxuuna dilay dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux.
      Bambadii kale ee lagu dhuftay magaalada Nag asaki waxay iyaduna dishay in ka badan 70,000 oo qof.
      Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay nuclear-ka wali looma adeegsanin dagaal kale.
      Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nucle ar-ka, oo kala ah:
 Mareykanka,
 Ingiriiska, Ruushka,
 Faransiiska, 
Shiinaha,
Hindiya, 
Pakistan,
 Israa'iil iyo Kuuriy ada Waqooyi.
YAA SAMEYN KARA HUBKAN?
     Markii sida guud loo eego, jawaabtu waa inuu sameyn karo qof kasta oo aqoon seynis u leh, far samada yaqaanna, qalab kana heli kara.
      Laakiin marka laga hadlayo in waddamada loo oggol yahay sameysashada hubkan iyo in kale, jaw aabta su'aashaas wax ay qaadaneysaa sheeko dheer.
      Waxaa jira wax loogu yeero is-afgarad ka xaka meynta hubka Nuclear-ka, oo afka qalaad loogu soo gaabiyo (NPT) - kaasoo ah heshiis looga gol leeyah ay in looga hort ago faafitaanka hubka nuclear-ka iyo in laga qaado waddamada aan loo oggoleyn.
       Tan iyo 1970-kii, 191 waddan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha ayaa saxiixay heshiiska ka hortagga Nucle ar-ka.      Shantan waddan waxaa loogu yeeraa dow ladaha ku hubeysan nuclear-ka – waana loo oggol yahay inay heystaan hubkaas, sababtoo ah waxay sameysteen oo ay tijaabiyeen ka hor inta aan heshi iska NPT la dhaqan galinin 1-dii bishii January ee sanadkii 1967-kii.
      Xitaa iyadoo dalalkan ay heystaan nuclear-ka, heshiiskana ay qeyb ka yihiin, iyaga qudhooda wa xaa laga rabaa inay yareeyaan xaddigiisa mana loo oggola inay waligood iska heystaan.
     Israa'iil (oo waligeed aan qiranin, ama beeninin inay heysato nuclear), Hindiya iyo Pakistan midna qeyb kama aha heshiiskaas, mana aysan saxiixin.
     Kuuriyada Waqooyi waxay heshiiskaas ka baxd ay sanadkii 2003-dii.
MARKA XAGGEY IIRAAN KU JIRTAA?
    Iiraan waxay barnaamijkeeda nuclear-ka billow day sanadihii 1950-meeyadii, mar kastana waxay ku adkeysaneysay in tamarta nuclear-ka ee ay sa meysaneyso ay tahay mid nabad ah.
    Laakiin waxaa jiray shaki laga qabay inay si qar soodi ah u sameysaneyso hubka nuclear-ka, arrint aasina waxay keentay in Golaha ammaanka ee Q/Midoobay, Mareykanka iyo M/Yurub ay cunaqa bateyno ku soo rogaan sanadkii 2010-kii.
    Tani waxay keentay in sanadkii 2015-kii ay heshi is galaan Iiraan iyo waddamada kale ee quwadaha waaweyn, kaasoo ay Iiraan ku saxiixday heshiis dhi gaya inay baabi'iso bacriminta nuclear-ka si cunaqa ba teynta looga qaado, laakiin Madaxweynaha Mar eyaknka Donald Trump ayaa heshii skaas cagta ku dhuftay bishii May ee sanadkii 2018-kii.
     Haddana waxay dalalka reer Yurub Iiraan loollan ku galinayaan inaysan u hoggaansamin qodobbadii heshiiska.
      Sidoo kale, markii ay sanadkan cirka isku sha e ereen xiisadaha u dhaxeeya Mare ykanka iyo Iiraan, Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray in Iiraan aan loo oggolaan doonin inay yeelato hubka nucl ear-ka inta uu isagu madaxweyne yahay. Ka dib markii ay caro ka dhalatay dilkii uu Mareykanka M/a Baqdaad ugu geystay janaraalkii reer Iiraan ee Qasem Soleimani, Iiraan waxay sheegtay inaysan u sii hoggaansami doonin xaddidaaddii qeybta ka ah ayd heshiiska.
WALIGEEN MA ARKI DOONNAA DUNI XOR KA AH HUBKA NUCLEAR-KA?
     Sida kor ku xusan, waxaa mustaqbalka la damac san yahay in hubka nuclear-ka laga baabi'iyo guud ahaan dunida.         Run ahaantii, tirada bambooyin ka nuclearka ee dunida taallay waxay hoos uga dhacday 70,000,oo ay ahaayen sanadkii 1986-kii,Shalayna waa 14,000 oo bambo.
      Mareyknaka, Ingiriiska iyo Ruushka waxay dha mmaantood hoos u sii dhigayeen xaddiga ay hubk aas ka heystaan, laakiin waxaa la aaminsan yahay in Shiinaha, Pakistan, Hindiya iyo Kuuriyada Waqo oyi ay sameysanayeen bambooyin dheeraad ah,     sida uu sheegay ururka seynisyahannada Mareyk anka.
      Bishii July ee sanadkii 2017-kii, waxay u muuq atay in dunidu ay hal tallaabo u qaadday sidii looga xoroobi lahaa hubka nuc lear-ka, ka dib markii ay in ka badan 100 waddan saxiixeen qaraar kasoo bax ay Q/ Midoobay oo dhigayay in si wada jir ah loo baabi'iyo hubkaas, loona mamnuuco.
    Laakiin dalalka ku hubeysan nuclear-ka ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka ayaa hor joogsaday hirgalinta qaraarkaas.
     Ingiriiska iyo Mareykanka waxay sheegeen in qaraarkaas uusan damaanad qaadi karin amniga dunida, maadaama nuclear-ka uu udub dhexaad u ahaa ilaalinta nabadgalyada caalamka, muddo ka badan 70 sano.
     Halka dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ay yare ynayaan bambooyinka ku jira bakhaarradooda hub ka nuclear-ka, haddana khubaro ayaa sheegaya in ay sii xoojinayaan awoodda bambooyinkaas ay leeyihiin.
     Ingiriiska ayaa sii casriyeynaya nidaamkiisa hub ka nuclear-ka, Mareykankana waxaa laga yaabaa in uu lacag dhan $1 trillion (£703bn) u adeegsado sidii uu u kor dhin lahaa awoodda nuclear-kiisa, ilaa sanadka 2040-ka.
    Kuuriyada Waqooyina waxay sii waddaa tijaabin ta iyo hormarinta barnaamijkeeda nuclear-ka, iy adoo gantaallo ridday xilli aad u dhow oo ah bishii October, 2019.
     Sidaas awgeed, inkastoo dunida ay ku sii yaraan ayaan tirada bambooyinka nuclear-ka, marka loo eego 30 sano ka hor, uma muuqato in mar dhow la ga xoroobi doono hubkaas ama si buuxda loo ba abi'in doono.
XIGASHO:-BBC 
BAASABOORADA UGU TAYADA WANAAGSAN CAALAMKA IYO KUWA UGU LIITA
 
     Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalam ka   ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tah ay hay' adda maamusha duul imaaduada caalamak ee IATA, ayaa qiimeyn ku sameeyay baasaboorada caalamka kuwo oda ugu tayada wanaagsan ee la qa dariyo, dadka watana ay si sahlan ugu safri karaan iyo kuwa ugu liita ee ay adag tahay in dadka sita ay si fudud ku tagaan dalal badan oo caalamka ah.
      Baasaboorka dalka Japan ayaa noqday kan ugu tayada wanaagsan caalamka oo dadka heysta ay si fudud ugu safri karaan daafaha caalamka.
     Dadka heysta baasaboorka dalka Japan ayaa dal ku gal la'aan ku tegi kara 191 dal oo caalamka, waxa ana ay dal ku galka ama vii sahaa ay ka heli karaan mee sha ugu horeyso ee ay ka gal aan dalalkaas.
     Waxaa muuqato in qiimeynta la sameeyay ay u gu horeeyaan dalalka qaaradda Aaasiya, waxaana kaalinta 2aad galay dalka Singapore.
    Dadka heysta baasaboorka dalkaas waxay fiisa la'aan tegi karaan inkabadan 190 wadan oo caalam ka ah, halka kaalinta 3aadna ay ku jiraan dalalka Ku uriyada Koonfureed iyo Jarmalka oo muwaadiniinta u dhashay wadamadaas ay 189 dal ku tegi karaan si sahlan, iyadoona dal ku galka laga siinayo halka ugu horeysa ee ay ka galaan wadamadaas.            Dalalka Yurub ayaa sidoo kale soo galay kaalimaha ugu horeeya, kuna badan kaalinta 10-aad, waxaana kaalinta 4aad ku jira dalalka Finland iyo Spain, ha lka dalalka Luxembourg iyo Denmark ay soo galeen kaalinta shanaad, Faransiiskana wuxuu ku jiro kaal inta lixaad.
     Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheeg ay in ay hoos uga dhaceen kaalimihii hore ee ay ku jireen.    Dalka Ingiriiska ayaa hoos u dhaca ku yi mid lagu tilmaamay jahwareerka ka dhashay ka bixi taanka Britain ee midowga Yurub, waxaana Ingiriis ka uu hadda ku jiraa kaalinta sideedaad.
     Britain ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku jir tay kaalimaha ugu horeeya.   Sida lagu qoray Hen ley Passport Index, dalka Imaaraatka Carabata aya a lagu qiimeeyay waddan guul badan ka gaaray sa re u qaadidda tayada baasaboorkooda, maadaama dalkaas dad badan oo caalamka ay dalxiis u tagaan
     .Baasaboorka dalka UAE ayaa 10kii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku jiray kaalinta 47-aad, balse hadda waxaa lagu qiimeeyay kaalinta 18-aad, waxa ana dadka heysta baasaboorka dalkaas ay dal ku gal la'aan tegi karaan 171 waddan oo caalamka ah.
Baasaboorada sanadkan 2020 ugu wanaagsan caalamka waxay kala yihiin:
1. Japan (191 destinations)
2.Singapore (190)
3.Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189)
4.Talyaaniga, Finland (188)
5.Spain, Luxembourg, Denmark (187)
6.Sweden, Faransiika (186)
7.Switzerland, Burtiqiis, Netherlands, Ireland,     Aus tria (185)
8.Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Griiga, Belgium (184)
9.New Zealand, Malta, Jmahuuriyadda Czech, Can ada, Australia (183)
10. Slovakia, Lithuania, Hungary (181)
Baasaboorada ugu liita caalamka sannadkan 2020 waxay kala yihiin:
Dalal dhowr ah oo caalamaka ayaa baasaboorado oda dal ku gal la'aan lagu tegi karaa waxkayar 40 dal. Waxayna ku jiraan lambarada ugu hooseeya:
 100. Kuuriyada Waqooyi, Sudan (39 destinations)
 101. Nepal, Falastiin (38)
102. Libya (37)
103. Yemen (33)
104. Soomaaliya, Pakistan (32)
105. Suuriya (29)
106. Iraq (28)
107. Afghanistan (26)
XIGASHO:-BBC
 

XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA OO MEELMARIYAY LABA SHARCI
 
        Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya oo Shalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay laba sha rci oo muhiim ah.
Kulanka 31aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo aja ndihiisu uu ahaa u co deynta wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaran ka iyo u codeynta wax ka bedelka Sharciga Fu rdooyinka ayay Xildhiba anada codka kalsooni da siiyeen.
     Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Cabdiweli Sheekh Ibraa him Muudey, Gudoomi ye Kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka ee Baa rlamaanka Somaliya.
 Warbixinta Guddiga Maaliyadda ayaa waxaa goobta ka jeedi yay Xo ghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Sha cabka, Xildhibaan Aadan Cali Xasan.
     Wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka waxaa u codeysay 141 Xildhibaan.
     Wax ka bedelka Sharciga Furdooyinka wa xaa u codeysay 141 Xildhibaan.
 2da Sharci sidaas ayay Golaha Shacab ku ansixiyeen.
     Shacigani wuxu abuurayaa Hay’adda Tayo Dhawrka Somaliya oo ilaalin doonta tayada ala abooyinka la dhoofinayo iyo kuwa loo soo dho ofinayo dalka. Waxa kale oo uu fududeynayaa in ganacsiga dalka si fudud looga aqbalo suu qyada gobolka, kuwa Carabta iyo caalamkaba.
       Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha So maliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanadda Golaha Shacab ka u codeynta Sharciga Jaangoynta iyo Tayo Dhawrka.

3 KA MID AH MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE EE GALMUDUG OO ISBAHEYSI KU DHOWAAQAY
     3 ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa Shalay isbahaysi uga dhowaaqay magaalada Dhu usom areeb kadib kulan ay yeesheen.
Isbahaysigan ayaa waxaa ku midoobay C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Xisbiga UPD, Kamaal Dahir Guutaale oo ka tirsan Xisbiga Wa dajir iyo C/llaahi Faarax Wehliye oo horey u ahaa Wasiiru dowlaha Was aaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
C/llaahi Faarax Wehliye kama tirsana xisbiyada mucaaradka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu haysto taageerada koo xda Ahlu-Sunna, oo 20 xildhibaan ku leh baarlamanka Galmudug.
Isbaheysiga saddexdan musharax ayaa ujeedkiisu yahay inay u midoobaan musharaxa ay dowladdu wadato ee Qoor Qoor, una xaqii jiyaan in midkood uu guuleysto.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale xooggan iyo awood iyo ciidan isugu gaynaysa sidii ay madaxweyne uga dhigi lahayd Qoor Qoor.
3dan musharax ayaa isbahaysiga sameystay kadib mar kii ay arkeen ficillada dowladda, howsha ka socota Dhuusamareeb iyo in dowladdu ay dhex dhexaad ka aheyn hanaanka doorasho.
Isbahaysigooda ayaa halis ku ah rajada Qoor Qoor, waxaana la rumeysan yahay inay haddii ay isku geeyeen awooddooda ay haystaan taageero ku filan in midkood uu noqdo madaxweyne, kana adkaadaan madaxweyne la wato ee Qoor Qoor.Xigasho:caasimadda.net 
KHALIFA XAFTAR: JANARAAL KA BADBAADAY QADAAFI HADANA LOO MAARA LA'YAHAY
 
Janaraal Khalifa Xaftar kaas oo xoogaggiisa ay dagaal adag kula jiraan dowladda ay Qaramada Midoobeey taageereyso ee caasimadda dalkaas, wuxuu ka tagay magaalada Moscow isagoo aan saxiixin heshiiska xabad joojinta, sida ay warbaahinta sheegeen.
Kullamadii ay wada yeesheen Janaraal Xaftar iyo dowladda, waxay Moscow ka bilowdeen Isniintii.
Ruusha oo taageeraya Janaraal xaftar iyo Turkiga oo taageeraya dowladda, ayaa dadaalkaas keenay si xabad joojin loo saxiixo.
Ujeedada waxay ahayd in la soo afjaro dagaalka sagaalka bilood ka socda nawaaxiga caasimadda Liibya ee Tripoli.
Rabshadaha waxay bilowdeen bishii April, xilligaas oo Xaftar uu ku dhawa aqay in uu qaadayo duullaan uu magaal ada kaga qabsanayo dowladda ay Qara mada midoobeey taageereyso.
      Madaxweynaha Turkiga, Recep Ta yyip Erdogan, wuxuu ku hanjabay in uu "cashar adag u dhigi doono" Janaraal Khalifa Xaftar, haddii uu joojin waayo duullaanka uu ku yahay Tripoli.
      Doorka dalalka caalamka ee ku lugta leh qalala asaha Liibiya, waxaa la ogaad ay bilihii la soo dhaa fay, iyadoo baarlam aan ka Turkiga ay meel mariy een tallaa bo muran uu dhaliyay oo ciidamo ay ugu dire yso Trimpoli si ay u difaacaan dowla dda.
     Sidoo kale, Janaraal Khalifa Xaftar, wuxuu taage ero ka helayaan Masar, Sac uudiga, Imaaraatka Carabta iyo Urdun. Arrintaas waxay dhalisay cabsi ah in dalkaas qaniga ku ah shidaalka uu gole dag aal u noqdo qalalaasaha wadamo ka le u dhexeeya.
Haddaba waa kuma Xaftar?
Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afa rtan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hay een maalmihii lasoo dhaafay. Khaliifa Xa ftar Wuxuu ku dhashay bariga magaa lada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii. Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korne yl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii.     Ciidamo ka amar qaata isaga ayaa la wareegay maamulka saldhigyada saliid da ugu waaweyn ee dalkaasi Liibiya, iya doo ujeedkeedu uu ahaa, in dalalka saa xiibka la ah ay u dhoofiyaan shidaal ka uu dalkaasi qaniga ku yahay, waxana ay saldhigteen magaalada dhinaca bari ku taalla ee Tobruk.
Jabhadnimada Xaftar Hogaamiyihii hore ee dalka Libya, Macamar Al Qadaafi ayaa Haftar u dallacsiiyay garaadada cii danka ugu sarreysa, wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada Liibiya ee ka qeyb qaa tay dagaalkii dalka Chad ay la galeen sannadkii 1980-kii.
       Ciidammada Chad oo garab ka hela ya Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay Xaftar iyo 300 oo askari oo uu hogaamin ayay sanadkii 1987-kii, hasa yeeshee Qadaafi ayaa sheegay in ciidammadiisu aysan ku sugneyn dalka Chad oo waxaa uu inkiray in Xaftar uu yahay sarkaal u dhashay dalkiisa.
        Arrintan ayaa horseedday in Xaftar uu billaabo dagaal socday 20 sano oo uu ku doonayay inuu Qadaafi xukunka u ga tuuro.Wuxuu howlgalkiisa waday isa goo qaab magangalyo siyaasadeed ah ku jooga gobolka Virginia ee dalka Mar eykanka.
      Waxaa lagu tuhmi jiray inuu xiriir dhow la lahaa sirdoonka Mareykanka, ay na marar badan ku caawiyaan in kooxd iisa ay isku dayaan khaarajinka Qadaafi.
Dib usoo noqoshada Haftar
Ka dib markii uu billowday kacdoonkii lo oga soo horjeeday Qadaafi sanadkii 2011-kii, Xaftar wuxuu ku laabtay Liibiya halkaas oo uu noqday taliye muhiim ah oo ka mid ah xoogagga mucaaradka ah ee kacdoonka ka waday dhanka bari ee dalkaasi.
Markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, Janaraal Xaftar kama uusan soo muuq an shaashadaha tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii 2014-kii, markaas oo uu qorshihiisa ka sheegay warbaahinta, si uu qaranka u badbaadiyo, wuxuuna ugu baaqay dadka Liibiya in ay kasoo horjee staan baarlamaanka la doortay, Congres s-ka Guud ee Qaranka (GNC), kaas oo weli aysan muddadu u dhammaan.     Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli markaas magaalada labaad ee ugu weyn Liibiya, ee Benghazi iyo magaalooyin kale oo ku yaalla bariga ay saameeyeen la wareegiddii ay la wareegeen kooxda Al-Qaacidada xiriirka la leh, ee Ansar Al-Sharia.
        Waxaa soo baxay kooxo kale oo Islaamiyiin ah, kuwaasoo sameeyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu bartilmaa meedsanayo milatariga, booliiska iyo shaqaale kale oo dowladeed.
      Inkastoo Xaftar uusan xilligaas lah ayn awood uu qorshihiisa ku hirgeliyo, haddana hadaladiisa ayaa dhaliyay caro, gaar ahaan magaalada Benghazi oo dad kii ku noolaa ay niyad jabtay sidii ay GNC iyo dowladeedaba ugu guul darrey steen in ay la dagaallamaan Islaamiyiin ta.
     Wixii hadda ka horeeyay caannimada Janaraal Khaliifa Xaftar ma dhaafsiisa neyn Libya, inkastoo xiriir hore uu la lahaa Qadaafi iyo Mareykanka, balse hadda oo ay ciidammadiisa ay ku sii siqayaan Caa simadda, wuxuu noqday janaraal indhaha caalamku ay eegayaan.
Howgalkii mabaadii'da
    Bishii May ee sannadkii 2014-kii wuxuu Haftar bilaabay howlgal uu ugu magac dar ay Mabaadi'da Sharciga oo looga soo horj eeday kooxaha Islaamiyiinta ah ee fadhi goodu ahaa Benghazi iyo Barigeeda.
Bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii, Baarl amaanka ayaa la doortay, Golaha Wakiill ada oo beddelay GNC ayaa u magacaab ay taliyihii ciidanka Liibiya, balse sanad ka dib oo horumar yar la sameeyay ayay wee rrar ku qaadeen dagaalyahannada Islaam iy inta ah oo ka soo duulay magaalada Benghazi.
      Bishii Sebtembar 2016, Ciidanka Qar anka Liibiya waxay billaabeen howlgal la gu magacaaby "howlgalka ciribtirka", oo la gu badbaadinayo goobaha keydka shida alka, iygoo garabsanaya Q/Midoobay.
      Goobaha muhiimka ah ee saldhig yada saliidda waxaa ka mid ah Zueitina, Brega, Ras Lanuf iyo Sidrah , kuwaasoo dhammaan hodan ku ah saliidda loo yaqaan 'Crecent Oil'. Markaasi ka dib, Afhay eenka iyo Tal iyaha ugu sarreeya ciidamada qalab ka sida, Agilah Saleh, ayaa dalacsiyay Xaf tar oo waxaa uu ka dhigay taliyaha guud ee dalkaasi. Inkastoo Haftar uusan ku fa raxsanayn siyaasadaha maamulka dal kaasi ka jira ayaa hadana waxaan cadde yn damaciisa gaarka ah ee siyaasadda dalk
 aasi .XIGASHO:BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip