Xildhibaanada Galmudug oo la sheegay in loo diiday kaarka Aqoonsiga

0
Thursday January 16, 2020 - 00:12:13 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Galmudug oo la sheegay in loo diiday kaarka Aqoonsiga

    Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in xubno ka mid ah Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ay diideen in ay bixiyaan Aqoonsiga, islamarkaana loo sheegay in mid ka mid ah Musharaxiinta Gudoonka baarlamaanka mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in xubno ka mid ah Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ay diideen in ay bixiyaan Aqoonsiga, islamarkaana loo sheegay in mid ka mid ah Musharaxiinta Gudoonka baarlamaanka markii ay doortaan la siin doono. Xildhibaanada ayaa sheegay in hadda aysan aheysan wax aqoonsi oo ku aadan in Cadeynta ah in ay yihiin Xildhibaano si ay u codeeyaan.

walaac badan ayaa laga muujiyay sida lagu kala aqoonsan doono Xildhibaanada iyo dadka caadiga ah xilliga doorashadda Guddoonka baarlamaanka.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta sheegay dhankooda in xildhibaanada aysan heysan wax aqoonsi oo dhibaato badan lagu haayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada Shuruud looga dhigay doorashadda Mid ka mid Musharaxiinta xilka Gudoomiyaha baarlamaanka kadibna loo ogolaan doono kaarka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip