Nin la socday mooto bajaaj oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday January 15, 2020 - 23:20:31 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin la socday mooto bajaaj oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa lagu dilay nin la socday mooto bajaaj, kaasoo sida la sheegay hubeysnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa lagu dilay nin la socday mooto bajaaj, kaasoo sida la sheegay hubeysnaa.

Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ninkan ku toogtay agagaarka Iskuul Muqdisho ee Degmada Shibis, wax yar uun ka dib, markii uu askarigaasi arkay in mootada uu saaran yahay nin qori ku hubeysan.

Halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa bar kontorool oo gaadiidka lagu hubiyo ku leh Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwooda ka hawlgala Degmada Shibis.

Goobjooge ayaa sheegay in ninka la dilay uu ku hubeysnaa qori AK47, isla-markaana aanu wadan wax dareys ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyadoona ambulance goobtaasi looga qaaday meydka ninkii la dilay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip