Aqalka Sare oo dib u soo celiyay Sharciyada kala ah iibka qaranka iyo furdooyinka

0
Wednesday January 15, 2020 - 22:35:54 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Sare oo dib u soo celiyay Sharciyada kala ah iibka qaranka iyo furdooyinka

    Sharciyada kala ah iibka qaranka iyo furdooyinka ayaa waxaa golaha shacabka kusoo celiyay golaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya kaddib markii ay soo meel mariyeen wax ka beddelna ay kusoo sameeyeen oo arrintaasi oo sababtay in markale ay meel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharciyada kala ah iibka qaranka iyo furdooyinka ayaa waxaa golaha shacabka kusoo celiyay golaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya kaddib markii ay soo meel mariyeen wax ka beddelna ay kusoo sameeyeen oo arrintaasi oo sababtay in markale ay meel mariyeen golaha shacabka shuruucdani. Wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda soomaaliya ayaa soo diyaarisay labadaan sharci waxaana sharciga iibka qaranka ogolaatay 140 mudane halka sharciga furdooyinka ay ogolaatay 141 mudane. Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadsa ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya Aamina sheekh cabdi oo hadashay ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda maaliyadda ay qaadan doonto wax waliba oo ka yimaadda mar hadii ay si dhaqsi leh ku dhaqan gelin weyso wasaaradda maaliyadda shuruucda iibka qaranka iyo furdooyinka.

Maxamuud xayir ibraahim wasiirru-dowlaha wasaaradda maaliyadsa ee xukuumadda soomaaliya ayaa carabaabay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku dhaqan gelin doonaan labada sharci ee maanta markale ay meel mariyeen golaha shacabka.

Sidoo kale xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya ayaa meel mariyay sharciga jaangooynta iyo taya-dhowrka kaddib markii ay marsiiyeen aqrinta saddexaad.

Sharcigaan oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda soomaaliya ayaa waxaa ogolaatay 144 xildhibaan kaasi oo ka dhigan inuu helay cod aqlabiyad ah mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay toona.

Waxaana dhowaan loo gudbin doonaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya si ay dhankooda uga gutaan waajibaadkooda kaga aaddan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip