BSHIR BUKHAARI: "Sharcigaan waxaa ka muuqata in weriyihii la rabo dowladdu aqoonsi siineyso"

0
Wednesday January 15, 2020 - 13:06:23 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BSHIR BUKHAARI: "Sharcigaan waxaa ka muuqata in weriyihii la rabo dowladdu aqoonsi siineyso"

    Sanatar Abshir Axmed Bukhaari oo ka mid ah Sanatarrada aqalka sare ee Golaha Baarlamaanka ayaa khudbad aan caadi aheyn waxa uu ka jeediyay xarunta golahaasi oo looga doodayay sharci ku saabsan arrimaha warbaahinta, isagoona sheegay in qaar ka mid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanatar Abshir Axmed Bukhaari oo ka mid ah Sanatarrada aqalka sare ee Golaha Baarlamaanka ayaa khudbad aan caadi aheyn waxa uu ka jeediyay xarunta golahaasi oo looga doodayay sharci ku saabsan arrimaha warbaahinta, isagoona sheegay in qaar ka mid ah qodobadaasi ay u muuqdaan kuwo aan ka tarjumeyn xorriyadda saxaafadda.
Sanatarka oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha aqalka sare ayaa sheegay in qaar ka mid ah qodobada ay yihiin kuwo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo, sida qeexitaanka baraha bulshada, websityada gaarka loo leeyahay iwm.

"Sharcigaan waxaa ka muuqata in weriyihii la rabo dowladdu aqoonsi siineysoā€¯ ayuu yiri guddoomiye Ku xigeen Abshir Bukhaari oo ka hadlayay qodob ka mid ah sharcigaasi oo qeexayay warbaahinta xorta ah iyo kuwa qaranka.


Abshir Bukhaari oo khudbad u jeedinayay guddiga arrimaha Saxaafadda dalka oo dowladda federaalka hor dhigtay Golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan sharcigaasi muhiimka ah.

Dhinaca kale Sanatarka ayaa ku taliyay in guddiga looga baahan yahay inaysan ku degdegin ansixinta sharcigaas, isagoo ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay dooneyso saxaafad aan ka tarjumeyn danaha xorriyadda, madax bannaanida saxaafadda iyo qaabka ay u maareyneyso baraha bulshada iyo qodobo kale.

Sanatar Abshir Bukhaari oo asal
  ahaan aqoon buuxda u leh howlaha warbaahinta ahna milkiilaha idaacadda Radio Goobjoog ee magaalada Muqdisho, isagoo ka soo shaqeeyay warbaahinta gudaha iyo tan caalamka, haatanna waa guddoomiye ku xigeen ka ah golahaasi u ololeynayaa sidii ganafka loogu dhufan lahaa sharcigaasi.


 
Marka la eego difaacidda xuquuqda warbaahinta iyo darajada uu ka hayo aqalka Golaha sare, ayaa waxay u muuqataa mid uu Sanatar Abshir isku ekeysiinayo inuu yahay difaacaha saxaafadda madaxa bannaan, hase yeeshee warkan xasaasiga ah waxay ahayd inuu jeediyo xubin ka tirsan guddiga golaha ugu xilsaaran sharciga horyaala.
 XIGASHO SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip