Jabuuti oo lagu helay inay tallaabo sharci darro ah ka qaadday DP World

0
Tuesday January 14, 2020 - 21:37:20 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti oo lagu helay inay tallaabo sharci darro ah ka qaadday DP World

    Shirkadda ka howl-gasha dekedaha ee DP World, oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa mar kale ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay dowladda Jabuuti, kaasoo la xiriira khilaafkii maamulka dekedda Doraleh ee u dhaxeeyay labada dhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda ka howl-gasha dekedaha ee DP World, oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa mar kale ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay dowladda Jabuuti, kaasoo la xiriira khilaafkii maamulka dekedda Doraleh ee u dhaxeeyay labada dhinac. Koox garsooreyaal ah oo dacwaddan ku dhageysanayay maxkamadda caalamiga ah ee London ayaa amar ku siiyay dowladda Jabuuti inay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa'iidadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhigayay heshiiskii ay labada garab kala saxiixdeen sanadkii 2006-dii, ama in ay bixiso dhammaan khasaarihii galay shirkadda. Khabiir madax bannaan ayaa khasaraaha magdhowga laga siin karo DP World ku qiyaasay lacag ka badan 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah. Garsooreyaasha go'aankan soo saaray ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaaday maamulka dekeddaas, bishii February ee sanadkii 2018-kii. Jabuuti ayaa xilligaas sheegtay in ay burburisay heshiiskii la kala saxiixday ayna dhammaan hantida dekeddaas noqotay mid ay dowladda leedahay. Xukunkan ugu dambeeyay ayaa noqday kii lixaad ee ay DP World uga guuleysato dowladda Jabuuti, tan iyo markii dacwaddaas loo gudbiyay maxkamadda sare ee uu fadhigeedu yahay magaalada London.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip