Uhuru oo isku shaandheyn ku sameeyay Wasiiradiisa (Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga oo la isku bedelay)
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn deg deg eheyd ku sameeyay golihiisa Wasiirada, xilli dalkiisa uu la daala dhacayo weerarada uga imaanaya Al-Shabaab.
Isku shaandheyntan oo heyd mid ay hadal hayeen dhawaanahanba Shacabka dalkaasi Kenya ayaanan noqon sidii la filayay, iyadoo dadka ay saameysay ay kamid yihiin Wasiirada Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Ganacsiga.
Reychelle Omamo ayaa loo mahacaabay Wasiirka arrimaha dibadda, halka hore ay u aheyd Wasiirka Didaaca dalkaasi Kenya.
Monica Juma ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, iyadoo laga wareejiyay xilkii Wasiirka arrimaha Dibadda dalkaasi.
Mutahi Kagwe waxaa loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka.
Betty Maina ayaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga.
Cecily Kariuki waxaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
Peter Munya waxaa loo dhiibay xilka ah Wasiirka Beeraha.
Simon Chelugui ayaa ah Wasiirka shaqada ee dalkaasi.
Halka Wasiirka Maaliyadana loo magacaabay Ukur Yatani.