Maamulka Puntland oo digniin soo saarey

0
Monday January 13, 2020 - 10:32:12 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland oo digniin soo saarey

    Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale waxaa ay ka digeen roobab dabeylo wata oo la filayo inay ka da'aan deegaano iyo Gobolo ka tirsan Mamulkaas,kadib saadaal la bixiyey. Agaasimaha Waaxda musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale waxaa ay ka digeen roobab dabeylo wata oo la filayo inay ka da'aan deegaano iyo Gobolo ka tirsan Mamulkaas,kadib saadaal la bixiyey. Agaasimaha Waaxda musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in Puntland dhawaan ay ka da'een roobab lixaad leh oo dadku ay ku diirsadeen,hayeeshee lafilayo inay sidoo kale da'aan roobab kale oo dabeylo wata oo waxyeelo geysan kara. Waxaa uu sheegay in saadaal la sameeyey ay sheegeyso in ilaa 14-15 la filan karo in Roobab dabeylo wata ay ka da'aan deegaano badan oo ka tirsan gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar. Dadka ku nool deegaannada Dhul xeebeedka ah iyo Miyiga ayuu ugu baaqay inay ka foogaadaana Goobaha dooxooyinka ah,sidoo kalena uu uga digey kalluumeysatada inay wadaan howlaha jilaabashada kalluunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip