Al-Shabaab oo toogasho ku fuliyey Afar ruux

0
Monday January 13, 2020 - 10:29:27 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo toogasho ku fuliyey Afar ruux

    Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen Afar ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Goobta toogashada ayaa waxaaa ku sugnaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen Afar ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Goobta toogashada ayaa waxaaa ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka deegaanka Sablaale,waxaana dil toogasho ah lagu fuliyey Afarta Ruux oo Al-Shabaab ay sheegeen inay u Shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya,waxaana Afarta Ruux ay kala ahaayeen. 1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Maamulka degmada Kuntuwaareey uguna Magacaawnaa dhirta iyo daaqa. 2: Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo ay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ka howlgallaan aadna looga yaqaanay degmadaas. 3: Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) ayay Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda,isla markaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada buulo Burde ee Gobolka Hiiraan. 4: Xuseen Xassan Geelle oo ah ninka Afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,isla markaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee G/Shabeellaha Hoose. Si kastaba Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay dil ugu fuliyeen dad ay sheegeen inay la Shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha taageera,kuwaas oo goob fagaaro ah ay ku toogteen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip