Ciidanka Dowladda oo soo bandhigey Sarkaal Shabaab ah oo isku dhiibey

0
Sunday January 12, 2020 - 18:36:09 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda oo soo bandhigey Sarkaal Shabaab ah oo isku dhiibey

    Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay Maanta soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,hayeeshee isku-soo dhiibey Ciidanka Dowladda Soomaaliya. Sarkaalkaan oo Mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay Maanta soo bandhigeen Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,hayeeshee isku-soo dhiibey Ciidanka Dowladda Soomaaliya. Sarkaalkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Maadeey ayaa taliska Booliska degmada Baraawe waxaa ay sheegeen in uu isku-soo dhibey Ciidamada Dowladda,isla markaana Al-Shabaab uu ku biirey sanadkii 2012-kii.

Maxamed Axmed Maadeey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu la soo xiriirey Abtigiis oo dowladda ka tirsan sidaasina ay ugu siirtagashay in uu dowladda isku-soo dhiibo,waxaana uu baaq u diray Xubnaha weli ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Booliska degmada Baraawe Ibraahim Aadan Cali ayaa Goobta lagu soo bandhigeyey Sarkaalkaan ka sheegay in sarkaalkaan sababaha uu uga soo baxay Al-Shabaab ay kamid tahay dhibaatooyin uu kala kumay iyo inay ka shakiyeen.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin ninkaan taliska Ciidanka Dowladda ee degmada Baraawe ay Maanta soo bandhigeen oo la sheegay in uu kasoo goostay Al-Shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip