Xabbad joojin looga dhawaaqay Libya

0
Sunday January 12, 2020 - 17:34:44 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabbad joojin looga dhawaaqay Libya

    Xukuumadda Libya ayaa aqbashay maanta oo Axad ah xabad joojin ay dalalka Russia iyo Turkey ay ku booriyeen dhinacyada ku dagaalamaya Libya. Khalifa Haftar oo ah nin dagaal hubeysan kaga soo horjeeda xukuumadda Libya ee Qaramada Midoobe aqqoonsan t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Libya ayaa aqbashay maanta oo Axad ah xabad joojin ay dalalka Russia iyo Turkey ay ku booriyeen dhinacyada ku dagaalamaya Libya. Khalifa Haftar oo ah nin dagaal hubeysan kaga soo horjeeda xukuumadda Libya ee Qaramada Midoobe aqqoonsan tahay ayaa isna ku dhawaaqay in uu xabadda joojiyay.

Ra’isulwasaaraha xukuumadda Libya Fayez al-Sarraj ayaa sheegay in xabad joojintu ay bilaabaneyso saqda dhexe ee caawa, hase ahaatee ay xukuumaddiisu xaq u leedahay iney iska difaacdo haddii la soo weeraro.

Sarraj ayaa sheegay inuu xabad joojintan aqbalay isaga oo ka jawaabaya baaqa ka yimid madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Russia Vladimir Putin.

Erdogan iyo Putin ayaa ku baaqay xabad joojinta ka dib kulan ay Arbacadii ku yeeshay magaalada Istanbul.

Turkey ayaa kulankaasi kaga codsatay Russia iney ka dhaadhiciso Jeneral Haftar inuu aqbalo xabbad joojinta.

Xukuumadda Ankara ayaa ciidamo kooban oo militari ah u daabushay Libya bishan Janaayo si ay u caawiso xukuumadda Libya ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

Russia ayaa dhankeeda la aamminsan yahay iney si aad ah u taageerto ciidamada Jeneral Haftar kaasi oo ay sidoo kale taageeraan dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Masar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip