Liverpool ayaa 16 dhibcood oo nadiif ah ku qaban karta hogaanka horyaalka Premier League caawa haddii ay ka badiyeen kooxda Tottenham oo ay marti u yihiin ka dib guuldarro soo gaartay kooxda kaalinta labaad ee Leicester City.
Xiddigii hore ee Liverpool Danny Ings oo haatan u dheela Southampton ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa Saints ay 2-1 ku garaacdo Leicester City oo marti loogu ahaa garoonka King Power Stadium.
Leicester ayaa hogaanka ku hormartay daqiiqadii 14aad markii uu gool u saxiixay Dennis Praet laakiin shan daqiiqo ka dib waxaa Southampton u barbareeyay Stuart Armstrong.
Danny Ings oo hore ugu soo ciyaaray Liverpool ayaa goolka guusha u saxiixay Southampton daqiiqadii 81aad isagoo fursad u siiyay kooxdiisa hore inay 16 dhibcood oo nadiif ah ku qaban karaan hogaanka horyaalka Premier League haddii ay ka gudbaan Tottenham caawa.
Reds waxaa u sii harsan kulan taasoo la micno ah inay suurtogal tahay inay 19 dhibcood ku hogaamiyaan horyaalka haddii ay badiyaan kulanka caawa iyo kan u baaqday.
Manchester City ayaa iyadana fursad u heli doonta inay ku soo laabato kaalinta labaad ee horyaalka madaama ay haatan hal dhibic ka hooseeyaan Leicester City iyagoo berri la ciyaaraya Aston Villa.
Crystal Palace 1-1 Arsenal
Chelsea 3-0 Burnley
Everton 1-0 Brighton
Leicester City 1-2 Southampton
Man United 4-0 Norwich City
Wolves 1-1 Newcastle
Leicester City Oo La Garaacay, Danny Ings Oo Hadiyad Siiyay Kooxdiisa Hore Ee Liverpool & Natiijooyinka Kulamadii Kale Ee Maanta
Liverpool ayaa 16 dhibcood oo nadiif ah ku qaban karta hogaanka horyaalka Premier League caawa haddii ay ka badiyeen kooxda Tottenham oo ay marti u yihiin ka dib guuldarro soo gaartay kooxda kaalinta labaad ee Leicester City. Xiddigii hore ee Liverp