Mesut Ozil Oo Ka Sheekeeyey Layaabkii Ku Dhacay Markii Ay Arsenal Tababaraha U Magacowday Mikel Arteta

0
Saturday January 11, 2020 - 20:36:20 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mesut Ozil Oo Ka Sheekeeyey Layaabkii Ku Dhacay Markii Ay Arsenal Tababaraha U Magacowday Mikel Arteta

    Xididiga Arsenal ee Mesut Ozil ayaa sheegay inay layaab ku noqotay markii uu helay warka ah in kooxdiisu ay tababare u magacaabayso Mikel Arteta bishii December. Arteta ayaa afar ciyaarood oo uu hoggaamiyey Gunners, waxa uu ku hoggaamiyey laba guulo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xididiga Arsenal ee Mesut Ozil ayaa sheegay inay layaab ku noqotay markii uu helay warka ah in kooxdiisu ay tababare u magacaabayso Mikel Arteta bishii December. Arteta ayaa afar ciyaarood oo uu hoggaamiyey Gunners, waxa uu ku hoggaamiyey laba guulood iyo hal barbarro ah, iyo mid kaliya oo laga adkaaday, laakiin bandhigga guud ee kooxda ayaa u muuqda inuu soo laabtay hannaankii ciyaareed ee lagu yaqaanay. Ozil oo ka mid ah xiddigaha dib usoo noolaaday, waxa ay hore isku koox usoo ahaayeen Mikel Arteta ka hor intii aanu tababaraha haddu ka tegin Emirates, magacaabistiisuna waxay laacibka reer Germany ku noqotay layaab. "Waan yara yaabay laakiin dhinaca kale, waqtigu si dhakhso ah ayuu u duulayaa waxaanan xasuustaa markii uu Pep Guardiola kala soo shaqeeyay Man City, waxayna iska cadahay inuu dhakhso u noqon doono tababare." Sidaas ayuu yidhi Ozil. "Waan ku faraxsanahay inuu halkan nala joogo waqtigan sababtoo ah waa waqtigii ku habboonaa. Dhamaantayo waanu ku faraxsanahay inuu nala joogo. Waxa aanu leenahay xidhiidh caadi ah. Waxaanu ahayn isku koox, in badan ayaanu is ixtiraamnaa, horena waxa uu u ahaa kabtanka kooxda waqtigaas sida caadiga ahna ciyaartoygu way is xushmeeyaan, haddana wuxuu wadaa inuu taas dhiso." Ayuu ku daray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip