Siyaasiyiinta G/Waqooyi Bari oo bilaabey tallaabo ka dhan ah Al-Shabaab

0
Friday January 10, 2020 - 12:00:24 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta G/Waqooyi Bari oo bilaabey tallaabo ka dhan ah Al-Shabaab

    Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ku nool deegaannada Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo kaashanaya Cullimada ayaa waxaa ay bilaabeen wacyigelin ka dhan ah Al-Shabaab oo mararka weerar ka fuliya deegaano ka tirsan gobolkaas. Odayaasha iyo S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ku nool deegaannada Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo kaashanaya Cullimada ayaa waxaa ay bilaabeen wacyigelin ka dhan ah Al-Shabaab oo mararka weerar ka fuliya deegaano ka tirsan gobolkaas. Odayaasha iyo Siyaasiyinta ayaa socdaalo kala duwan waxaa ay ku bixinayaan deegaannada Gobolka Waqooyi Bari,iyaga oo qeybaha kala duwan Bulshada u sheegaya inay Al-Shabaab dhibaato ku hayaan dadka deegaannada Gobolkaas kana soo horjeesteen. Dr Maxamed Daahiye Ducaale oo kamid ah Mudanayaasha laga soo doortey degmada Dhadhaab ayaa sheegay in qorshaha Shabaab ka doonayaan Gobolka uusan noqon mid hirgala,waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay ka hortagaan. Sheekh Xasan Cabdi Gaambi oo kamid ah Golaha Muslimiinta Sare ee Kenya ayaa sheegay in Shacabka iyo Dowladda looga baahan yahay inay gacmaha isqabsadaan,isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo ka tirsan Al-Shababa oo ay arkaan. Si kastaba Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan Gudaha dalka Kenya,iyada laba todobaad Gudahood ay fuliyeen Saddex weerar oo khasaaro geystay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip