Basaska ka Shaqeeya Kenya oo lagu kordhiyey ilaalo hubeysan

0
Friday January 10, 2020 - 11:47:36 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Basaska ka Shaqeeya Kenya oo lagu kordhiyey ilaalo hubeysan

    Shirkadaha Basaska ee ka Shaqeeya inta u dhaxaysa ismaamulka Lamu iyo degmada Garseen oo ka tirsan dowlad deegaanka Tana River ayaa waxaa ay bilaabeen inay qaataan ilaalohubeysan. Tallaabadaan ayaa waxaa ay ka dambeysay kaddib markii ay kordheen w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadaha Basaska ee ka Shaqeeya inta u dhaxaysa ismaamulka Lamu iyo degmada Garseen oo ka tirsan dowlad deegaanka Tana River ayaa waxaa ay bilaabeen inay qaataan ilaalohubeysan. Tallaabadaan ayaa waxaa ay ka dambeysay kaddib markii ay kordheen weerarada Ururka Al-Shabaab ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya. Taliyaha Booliska ee gobolka Xeebta Rashiid Yaaquub ayaa Warbaahinta u sheegay in sababaha ilaalada u qaateen Basaska ay tahay sidii loo badbaadin lahaa Nolosha dadka rayidka ah ee Basaska saaran. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray taliyaha in xilligii hore gaadidika Basaska ay raaci jireen tiro yar oo Boolis ah,balse haatan la kordhiyey sidoo kalena la xoojiyay amniga guud ee gobolka xeebta si looga hor tago falalka weerarada Al-Shabaab. Maalmo ka hor ayay ahayd markii bas lagu weeraray Lamu lagu dilay saddex qof oo Shacab ahaa,sidoo kalena weeraro kala duwan ay ka dhaceen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip