Dil ka dhacay Boosaaso & howlgal ka socda

0
Thursday January 09, 2020 - 18:16:49 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil ka dhacay Boosaaso & howlgal ka socda

    Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu diley Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada ee Maamulka Puntland. Sarkaalka oo Magaciisa lagu sheegay Cumar Iley ayaa waxaa kooxo ku hubeysn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu diley Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada ee Maamulka Puntland. Sarkaalka oo Magaciisa lagu sheegay Cumar Iley ayaa waxaa kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay ku toopgteen Xaafada isgoyska Gaaco meel wax yar ujirta xarunta dowladda Hoose. Goobjoogayaal ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in raggii ka dambeeyey dilka ay goobta ka baxsadeen,isla markaana meydka goobta ay ka qaadeen askar kale oo goobta soo gaarey. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan booliska Puntland ay howlgal ka wadaan Xaafada Gaaca ee Magaalada Boosaaso oo uu dilka ka dhacay,kaas oo saameyey isku socodka dadka iyo Ganacsiga. Ammaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa Bilihii la soo dhaafay waxaa uu ahaa mid aan wanaagsaneyn,waxana ka dhacay dilal dhowr ah oo ay sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip