Duqa Muqdisho"Waan ka hor tageynaa weerarada Al-Shabaab"

0
Thursday January 09, 2020 - 10:03:58 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho"Waan ka hor tageynaa weerarada Al-Shabaab"

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka hortagtay weeraro ay Al-Shabaab doonayeen inay ka fuliyaan Gobolka Banaadir. Waxaa uu sheegay in muqdisho laga same

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka hortagtay weeraro ay Al-Shabaab doonayeen inay ka fuliyaan Gobolka Banaadir. Waxaa uu sheegay in muqdisho laga sameeyey Koontoroolo farabadan oo lagu hubiyo gaadiidka si aysan Al-Shabaab u fulin falal amni darro,hayeeshee uu sheegay inay haatan isku qarxinayaan koontoroolada. "Waxaa ay mareysaa in Al-Shabaab ay u suuro geli weysay inay burburiyaan meelaha Bulshada loogu adeego,waxaana sameynay koontoroolo farabadan oo amniga laga ilaaliyo,waxaana dowladda ka go'an inay ka hortagto weerarada Al-Shabaab ayuu yiri"Guddoomiye Cumar Filish. Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli labadii todobaad ee la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro qaraxyo ah oo geystay dhimasho iyo dhaawac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip