Suldaan Maxamed"Kheyre ayaa iga reebey liiska saxiixayaasha Galmudug"

0
Thursday January 09, 2020 - 10:02:30 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Maxamed"Kheyre ayaa iga reebey liiska saxiixayaasha Galmudug"

    Weli waxaa jirta cabasho kasoo yeereysa qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug,kuwaas oo qaarkood sheegay in liiska saxiixayaasha Galmudug la bedeley. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weli waxaa jirta cabasho kasoo yeereysa qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug,kuwaas oo qaarkood sheegay in liiska saxiixayaasha Galmudug la bedeley. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamnareeb ayaa kusoo laabtey Muqdisho,hayeeshee saacado kadib waxaa soo baxaya Cabasho ka imaaneysa Odayaasha qaar,kuwaas oo ka qeyb galay tababar loo furey Odayaasha saxiixayaasha Galmudug lana tusay habka loo marayo soo xulista Baarlamaanka Maamulkaas. Suldaan Maxamed Suldaan Muuse oo kamid ahaa saxiixayasha Galmudug lana soo xiriirey Risaala ayaa sheegay in xilligii la filayey in la gaaro xulista Xildhibaannada laga saarey liiska Odayaasha xoo xulaya. Waxaa uu sheegay in sababaha liiska looga saarey markii uu weeydiiyey xubnaha guddiga farsamada & dhismaha Galmudug ay u sheegeen in uu amarkaasi bixiyey Ra'iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. "Waxaa nasiib darro ah oo aan aad ula yaabey in Ra'iisul Wasaaraha uu faraha la galo Odayaasha Dhaqanka uuna sameeyo wax ka bedel,iyada oo ay taalo Shaqo kale oo culeys leh ayuu yiri" Suldaan Maxamed Suldaan Muuse.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip