Dad u geeriyooday xanuunno ka dilaacay gobolka Sool iyo Buuhoodle

0
Wednesday January 08, 2020 - 21:29:32 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad u geeriyooday xanuunno ka dilaacay gobolka Sool iyo Buuhoodle

    Toban qof ayaa u geeriyooday xanuuno ka dilaacay deegaanada Sool iyo Buuhoodle, waxaanay wasaarada caafimaadku sheegtay inuu yihiin xanuunadda xiliyadan oo kale yimaadda. Wasaarada Caafimaadka Somaliland waxay sheegtay inay gacanta ku hayaan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toban qof ayaa u geeriyooday xanuuno ka dilaacay deegaanada Sool iyo Buuhoodle, waxaanay wasaarada caafimaadku sheegtay inuu yihiin xanuunadda xiliyadan oo kale yimaadda. Wasaarada Caafimaadka Somaliland waxay sheegtay inay gacanta ku hayaan oo ay hoos u rideen xanuunno dad badan soo riday oo ka dhacay deegaanadan, waxaanay xuseen inay kooxo badan oo caafimaad u direen goobaha uu dadka ku soo ritay. Xanuunkan ayaa ahaa mid shuban, xumad badan iyo oofwareen iskugu jira, waxaanu soo riday dad badan, haseyeeshee waxa u geeriyooday toban qof oo iskugu jira dad waaweyn iyo caruur. Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cali Xergeeyo ayaa sheegay in deegaanada uu xanuunkani ka dilaacay ay ka mid yihiin Buuhoodle, Widhwidh, kala baydh, Saax dheer iyo Caynaba. "Xanuunkani markii uu dilaacay waxaan u dirnay kooxo faro badan oo la tacaaalla xanuunkan, waana xanuun xiliyadan oo kale dilaaca, waxaanu keena shuban, xumad badan iyo oofwareen, horena waanu ugu sii diyaargaroobnay dad badan wuu soo ritay haddase hoos baan u dhignay "ayuu yidhi Xeergeeye.
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip