Paul Pogba Oo Maanta Qaliin Dhanka Anqawga Ah Maraya & Man United Uu Soo Kabasho U Rajeyneysa

0
Tuesday January 07, 2020 - 23:04:06 in Wararka by
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Paul Pogba Oo Maanta Qaliin Dhanka Anqawga Ah Maraya & Man United Uu Soo Kabasho U Rajeyneysa

    Kubad sameeyaha Man United Paul Pogba ayaa ku sugan isbitaal aan magaciisa la sheegin si uu qaliin dhanka anqawga ah ugu maro, waxeyna kooxdiisa u rajeyneysaa inuu dhaqso soo kabto. Xiddiga reer France wuxuu fasalkaan galay marxalado kala duwan, k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kubad sameeyaha Man United Paul Pogba ayaa ku sugan isbitaal aan magaciisa la sheegin si uu qaliin dhanka anqawga ah ugu maro, waxeyna kooxdiisa u rajeyneysaa inuu dhaqso soo kabto. Xiddiga reer France wuxuu fasalkaan galay marxalado kala duwan, kaliya sideed ciyaarood ayuuna kasoo muuqday dhamaan tartamada oo dhan.

Pogba mar kale ayuu dhibaato wajahayaa, wuxuuna marayaa qaliin dhanka anqawga ah, isaga ayaa soo galiyay sawir instagram-ka sawir uu ku muujinayo inuu joogo isbitaalka, wuxuuna kusoo qoray "Hellow, ka hor qaliinkaā€¯

 

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka dhawaajiyay in xiddigiisa dib ugu soo laaban doono marka uu dareemo inuu taam buuxa yahay, waxaana qaliinkiisa uu kusoo aadayaa xilli ay saaxiibadiis la ciyaari doonaan caawa kooxda Manchester City kulan ka tirsan Semi Final-ka Carabao Cup.

Wuxuu maqnaa muddo bil ah kadib markii uu saftay kulan ay 1-1 la galeen Arsenal dhamaadkii September, ka hor inta uusan soo laaban kulan ay Watford la ciyaareen ka hor fasaxa ciida masiixiga



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip