M. GHEDI: "Goormay Soomaaliya ka dhalan doontaa Dowlad kasban kareysa kalsoonida shacabka?"

0
Wednesday February 24, 2016 - 11:00:10 in Maqaallo by
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M. GHEDI: "Goormay Soomaaliya ka dhalan doontaa Dowlad kasban kareysa kalsoonida shacabka?"

    Laga soo billaabo dowladii KMG aheyd ee sanadkii 2004-kii ee uu hoggaaminaayay ( AUN) Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed, ilaa tan rasmiga ah ee uu adduun-weynnuhu aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, wuxuu shacabka Soomal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laga soo billaabo dowladii KMG aheyd ee sanadkii 2004-kii ee uu hoggaaminaayay ( AUN) Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed, ilaa tan rasmiga ah ee uu adduun-weynnuhu aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, wuxuu shacabka Soomaliyeed la'yahay dowlad uu ku qanco maamulkeeda sida amniga, cadaalada, daryeelka ciidamada kala duwan ee qaranka iyo guud ahaan horumarka dalka, marka laga reebo ganacsato Somaliyeed oo iyadu dalka maalgashatay. Anigoo ogsoon in uusan shacabka Soomaliyeed intiisa badan igu raacsaneyn, ha yeeshee, waxaan shaqsi ahaan aaminsanahay in dowladaan rasmiga ah ee uu madaxweynaha ka yahay Hassan Sheikh Mohamoud inay dadaal xooggan u galisay sidii ay wax uga bedeli lahayd magac-xumida iyo tabar-darrida ay wax ka qaban waayeen dhammaan dowladihii dalka soo hoggaamiyay wixii ka danbeeyay sanadkii 1991-kii ( permanent fragile government with poor reputation since 1991 due to —??).

Marabo in aan furo dood aanan dhammaad laheyn, laakin ka shaqsi ahaan, waxaan aaminsanahay in todobada (7) billood ee u harsan dowladdaan uu hoggaaminaayo madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud inaysan wax weyn ka bedeli kareyn magac-xumida 25 sano jirsatay ee dowlad kasta ee Soomaliyeed loogu yeero, haddii aan wax laga qaban caqabada fara badan ee jira oo ay kamid yihiin:-

1) Qaar kamid ah madaxweynayaal ku sheegyaalka maamul goballeedyada dalka oo ay ka muuqato astaaman muujinaaya inay ka soo hor-jeedaan midnimada Somaliyeed, iyagoo mar kasta khilaafa siyaasadda dowlada dhexe, kadibna u carara dowladaha deriska kuwooda lagu tuhunsan yahay inaysan raali ka aheyn Soomaliya oo dib u dhisanta.

2) Inta badan howl-wadeenada dowlada heer federaal iyo heer gobalba oo aad moodo inaysan u shaqeyn qaab dowladnimo, ee ay u shaqeeyaan qaab qabiil, iyaga oo aaminsan inay kursiga ku heleen qaabka awood qeybsiga beelaha Soomaliyeed ee 4.5

3) Dagaal aanan dhammaadka laheyn ee ay muddada dheer wadaan kooxaha ka soo hor-jeeda dowladnimada Soomaliya iyo deganaasha ka dhalatay guud ahaan gayiga Soomaliya, gaar ahaan koofurta Soomaliya oo ay degaan beela nabadeed.

4) Qaar kamid ah dowladaha deriska oo sidadban u diidan inay Somaliya dib u midowdo, si qorshahooduna ugu fulo waxay adeegsadaan Soomali-xumayaal iyo qaar kamid ah madaxda maamul goballedyada dalka ka jira.

5) Beesha caalamka oo aanan weli si buuxda kalsooni ugu qabin qaabka ay dowlada FS wax u maamusho, gaar ahaan dhaqaalaha soo gala iwm.

6) Madaxda dalka ugu sarreysa oo aad loogu xanto, inay soo dhoweystaan oo kaliya shaqsiyaad ka soo jeeda jufa-hoosaadkooda iyo shaqsiyaadka ay uga baqaan Kursiga ay ku fadhiyaan.


Goormay Soomaliya ka dhalan doontaa dowlad kasban kareysa kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed ???.
Qore: Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Muqdishu, Somaliya,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip