Guddoomiyaha degmada Warta Nabada Saynab Maxamuud Warsame ayaa warbixin ka siisay Wasiirka dhallinyarada iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay heerka uu marayo dhismaha garooonka.

Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhawaan lasoo gabagabayn doono dhismaha garoonka cayaaraha ee stadium Muqdisho, waxaana ay sheegtay in dhallinyaro ka timid dalka dibadiisa ay la ciyaari doonaan xiddigaha degmada Dharkeynlay oo dhawaan ku guulaystay koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasiir Khadiija ayaa daboola ka qaaday in bisha Janaayo ee sanadka cusub si rasmi ah xariga looga jari doono garoonka Hooyga cayaaraha ee Stadium Muqdisho, isla markaana lagu qaban doono tartamo isboorti oo heerar kala duwan leh.