Maraykanka oo ka cagajiidaya inuu cafiyo deynta uu ku leeyahay Soomaaliya

0
Thursday December 12, 2019 - 21:55:50 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo ka cagajiidaya inuu cafiyo deynta uu ku leeyahay Soomaaliya

    Dowlada Maraykanka ayaa ka cagajiideysa inay cafiso deymaha ay ku leedahay dalka Soomaaliya oo gaareysa hal bilyan oo dollar. Qorshaha deyn cafinta ee dalka Soomaaliya ayaa ah qorshe weyn oo lagu doonayo in lagaga cafiyo deymaha lagu leeyahay dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Maraykanka ayaa ka cagajiideysa inay cafiso deymaha ay ku leedahay dalka Soomaaliya oo gaareysa hal bilyan oo dollar. Qorshaha deyn cafinta ee dalka Soomaaliya ayaa ah qorshe weyn oo lagu doonayo in lagaga cafiyo deymaha lagu leeyahay dalka Soomaaliya taasoo la doonayay in ay dhacdo horaanta sanadka soo socda. Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasaarada Arrimaha Dibbada ee Maraykanka aysan u gudbin qorshaha deyn cafinta Congreska dalka Maraykanka, taasoo la doonayay inay dhacdo kahor dhamaada sanadkan. Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan dowlada Maraykanka oo uu soo xigtey wargeyska ForeignPolicy Congresska dalka Maraykanka ayaa la doonayay in loo gudbiyo qorshaha deyn cafinta dalka Soomaaliya iyadoo miisaaniyada Maraykanka lagu darayo lacag gaareysa 35malyan oo dollar. Hase ahaatee siyaasada dalka Maraykanka oo meel xasaasi ah mareysa ayaanay suurtogelin in loo fuliyo qorshihii deyn cafinta habraacii loogu talogalay. Arrintan ayaa haddii ay dhacdo dib u dhac weyn ku keenaysa dowlada federalka ayaa waxa la dareemayaa in safiirka Maraykanka dalka Soomaaliya Donald Yamamoto uu ka fekerayo inuu iska casilo xilka uu u hayo dowladiisa sida ay qabaan siyaasiyiin Maraykan ah. Yamamoto oo ah diblumaasi waayoaragnimo dheer u leh qaarada Afrika horena u soo noqday kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ee qaarada Afrika intii u dhexeysay 2017 to 2018 kahor inta aan loo magacaabin safiirka Maraykanka ee dalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip