Wasiir Caadle Oo Kulamo Xal Raadin Ah Ka Wada Degmada Buulo-Burte

0
Thursday December 12, 2019 - 21:44:07 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Caadle Oo Kulamo Xal Raadin Ah Ka Wada Degmada Buulo-Burte

    Wasiirka Wasaaradda Arrimah Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ka wada kulamo lagu xalinayo xiisad maalmihii la soo dhaafay ka jirtay degmadaas. Wasiir Caadle oo Maan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimah Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ka wada kulamo lagu xalinayo xiisad maalmihii la soo dhaafay ka jirtay degmadaas. Wasiir Caadle oo Maanta gaaray halkaas ayaa kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka ,waxgaradka iyo Maamulka Degmada Buulo-burte, kuwaasi oo lagu lagu xalinayo xiisad ka dhalatay Maamul Cusub uu dhawaan Wasiirka u magacaabay degmadaas. Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka, Hiddaha iyo Dalxiiska ee Hirshabeelle Maxamed Kulmiye ayaa sheegay in Wasiirka uu bilbaabay wada-hadallo iyo dib u heshiisin ah loo sameeynayo Bulshada ku dhaqan Buulo-burte. "Waxaa la rajeynayaa in xal wanaagsan oo ay hormuud u tahay wasaaradda Arrimaha Gudaha laga gaaro caqabado siyaasaded oo ka taagnaa degmadaasi" ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle.Sidoo kale Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in Wasiir Caadle uu qorsheynayo in laga hergeliyo wejiga 2aad ee hannaanka Golaha Deegaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee degmada Buulo-burte. Si kastaba Degmada Buulo-burte ayaa waxaa ka dhacay Banaanbaxyo xoogan oo looga soo hojeeday Wasiir Maxamed Cali Caadle, kadib markii maamul Cusub uu u magacaabay Degmadaas, iyadoona arrintaas ay dhalatay xiisad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip