Ciidamada Xoogga Dalka Oo Kala Dhexgalay Beelo Ku Dagaalamay Mudug

0
Thursday December 12, 2019 - 21:40:49 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xoogga Dalka Oo Kala Dhexgalay Beelo Ku Dagaalamay Mudug

    Mas'uuliyiin ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo ku hawlan daminta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Miyiga gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo ku hawlan daminta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Miyiga gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedka. Maalmo ka hor ayay ahayd markii maleeshiyo beeleedyo ay ku dagaalameen deegaano hoostaga deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug, waxaana ka dhashay dagaaladaasi Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray maleeshiyaadkii Xoola dhaqatada ahaa ee halkaas ku dagaalamay.Taliyaha Ciidamada Dhulka S/guuto C/xamiid Maxamed (Dirir) iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo looga arinsanayo sidii loo joojin lahaa colaada waxay la qateen Waxgaradka, waxayna ku guuleeysteen in ay kala qaboojiyaan beelahaas dagaalamay,iyaga oo sheegay in ay soo gaba gabeeyn doonaan colaada u dhexeysa beelaha inta ay joogaan gobolka Mudug


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip