Agaasimaha Madaxtooyada Oo La Kulmay Safiirka Jaamacadda Carabta Ee Somalia

0
Thursday December 12, 2019 - 21:31:30 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Madaxtooyada Oo La Kulmay Safiirka Jaamacadda Carabta Ee Somalia

    Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Xamuud Samraan Al-xuweydi ayaa ka guddoomay dhambaal ku wajahan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Xamuud Samraan Al-xuweydi ayaa ka guddoomay dhambaal ku wajahan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo uu soo diray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Alqeyd. Danjire Xamuud ayaa bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta dalka, isagoo tilmaamay in dib u kabashada Soomaaliya iyo xoojinta dowladnimadeena ay ka mid tahay qorsheyaasha udub dhexaadka u ah Ururka Jaamacadda Carabta. Dhanka kale, Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kulan la qaatay Agaasime Goboleedka Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM) Mudane Mohamed Abdiker, waxa uuna kala hadlay hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo nolasha dhallinyaradii Soomaaliyeed ee Dowladdu ay ka soo deysay xabsiyada shisheeye.Agaasime Fuursade ayaa la wadaagay Danjiraha Jaamacadda Carabta go'aammada iyo qorsheyaasha heer Qaran ee taariikhiga ah ee ku saleysan sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen bahwadaagtooda Jaamacadda Carabta. Madaxtooyada iyo IOM ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo tayeynta Hay'adaha Soomaaliyeed ee shaqo-wadaagta la ah Hay'adda Socdaalka Adduunka, si looga hortago tahriibta iyo ka ganacsiga dadka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip