Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka Soomaaliyeed

0
Thursday December 12, 2019 - 21:26:18 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka Soomaaliyeed

    Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka Dalka oo Golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca. Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska Dadka Dowla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka Dalka oo Golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca. Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska Dadka Dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey'adaha aan Dowliga ahayn iyo siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo ay soo diyaariyeen Wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada. Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska Dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo Guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug. Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay weerarkii Hotelka SYL ay ku qaadeen Argagixisadu.Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa amray Guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo qeybo ka mid ah Gobolka bari oo ay daadadku saameeyeen. Golaha wasiirrada ayaa bogaadiyay dedaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesi-nimada lahaa ee ay Ciidamdu ku badbaadiyeen Dadka Shacabka ah.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip