Laba kamid ah Garoomada Diyaaradaha Kenya oo si KMG ah loo xirey

0
Thursday December 12, 2019 - 10:08:59 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba kamid ah Garoomada Diyaaradaha Kenya oo si KMG ah loo xirey

    Dowladda Kenya ayaa si KMG ah u xirtay Garoomada diyaaradaha ee kala ah Jomo Kenyatta iyo Wilson khamiista Maanta sababo la xiriira munaasabadaha Maalinta Jamhuuriyadda kenya oo Maanta ku beegan. Garoonka Jomo Kenyatta ayaa la xiray hal saac inta u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa si KMG ah u xirtay Garoomada diyaaradaha ee kala ah Jomo Kenyatta iyo Wilson khamiista Maanta sababo la xiriira munaasabadaha Maalinta Jamhuuriyadda kenya oo Maanta ku beegan. Garoonka Jomo Kenyatta ayaa la xiray hal saac inta u dhexeysa 11ka subaxnimo iyo 12ka duhurnimo halka Garoonka Wilson la xiray muddo 5-saac ah inta u dhaxaysa 9-ka ilaa 2-da duhurnimo. Shirkadaha Diyaaradaha kala ah Fly 540 iyo shirkadaha duullimaadyada ee EastAfrican ayaa lagu wargeliyey Arbacadii shalay tallaabada mudada kooban lagu xirey Garoomada Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta iyo Wilson. Munaasabadda Maalinta Jamhuuri ee dalka kenya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Khamiis ah lagu qabto Garoonka Nyayo National Stadium ee Gobolka Nairobi,isla markaana ay ka qeyb-geli doonaan dadweyne iyo Mas'uuliyiin farabadan. Amniga dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyey,waxaana Magaalada Nairobi iyo Magaalooyin kale oo dalkaas ah laga dareemayaa Munaasabadda dabaal-dega Maalinta Jamhuri ee dalka Kenya oo sanad kasta la xuso.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip