Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Shirey Amniga Caasimadda

0
Thursday December 12, 2019 - 10:04:47 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Shirey Amniga Caasimadda

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir Guddoomiyay shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha Degmooyinka. Shirka waxaa looga hadlay Xoojinta a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir Guddoomiyay shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha Degmooyinka. Shirka waxaa looga hadlay Xoojinta amniga Caasimadda bilic soo celinta nadaafada, tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn & Sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar. Guddoomiyeyasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho u gudbiyeen Warbixino la xiriira Amniga iyo Arrimaha Bulshada. Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmey Guddoomiyeyasha degmooyinka Gobolka Banaadir inay dardar geliyaan sugida Amniga degmooyinka ay mas'uulka ka yihiin,isla markaana ay wadashaqyen la yeeshaan Bulshada. Guddoomiye Filish ayaa horay dhowr mar ugu cel celiyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu dardar gelin doono howlaha Amniga Caasimadda,isla markaana Ciidamada Amniga ay siwyen u Shaqeyn doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip