Taliska AMISOM oo Xaqiijisay in Askari ka tirsan Ciidankooda uu Toogtay Wiil Kubad Ciyaarayay

0
Monday September 28, 2015 - 21:48:14 in Wararka by
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska AMISOM oo Xaqiijisay in Askari ka tirsan Ciidankooda uu Toogtay Wiil Kubad Ciyaarayay

    Taliska Guud ee AMISOM ayaa xaqiijiyay in Askari ka tirsan Ciidamadooda uu ku Toogtay Shalay Gellinkii dambe Wiil Kubad ku Ciyaarayay Agagaarka Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Guud ee AMISOM ayaa xaqiijiyay in Askari ka tirsan Ciidamadooda uu ku Toogtay Shalay Gellinkii dambe Wiil Kubad ku Ciyaarayay Agagaarka Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium.
Afhayeenka AMISOM, Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayaan Qaabka uu u dhacay Falkan Dilka ah ee uu Geystay Askariga Ciidamadooda ka Tirsan ee ku Sugan Saldhigga ay ku leeyihiin Garoonka Kubadda ee Muqdisho.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu xusay in warka uu hayo uu yahay in Wiilku uu ku cararay difaacyada ciidamada AMISOM, Isla markaana uu Askariga dilka Geystay mooday khatar kusoo wajahan, sidaasna uu ku dilkani ku dhacay.

"Waxaan hayaan macluumaad ku saabsan in Askari ka tirsan Ciidamadeenna uu toogasho ku dilay qof kusoo ordaya dhinca difaacaydda ciidanka, kaddibna Askri meesha ka dhawaa uu toogtay, kaasoo u qaatay khatar kusoo wajahan, balse waxaan raadinaynaa macluumaad intaas ka badan,” ayuu yiri Paul Njuguna.


Afhayeenka AMISOM oo u Warramayay Warbaahinta Muqdisho Qaarkeed ayaa waxaa la weydiiyay waxa ka jira in wiilkaan la dilay uu ka mid ahaa Dhallinyaro kubad ciyaarayay oo banoonigii ay ku ciyaarayeen uu difaaca ciidamada uga dhacay, uuna doonayay inuu kubadda kasoo qaato halkaas, ayaa ku jawaabay.

"Runtii hadda waxaan raadinaynaa warbixinno sax ah, waana muhiim in xogta ehellada ay sheegayaan ay si rasmi ah u helno, tan kale waxaa la ii sheegay saaka in Qaybta AMISOM u Qaabilsan Waxyeellada Shacabka loo Geysto lagu War-geliyay ArrintaanTaasina Waan tallaabo muhiim ah.”

Afhayeenka AMISOM, Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in marna aysan raalli ka ahayn in Dhibaato loo Geysto Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Wax Walba la kala Caddeyn doono Baaritaanka kaddib.

"Waxaan rabaa inaan caddeeyo in AMISOM aysan Raali ka noqon doonin in dad shacab ah si mas’uuliyad daro ah loo dilo, AMISOM ma ogolaanayso inay taasi ay dhacdo, sidaa awgeed arrinta mas’uuliyad ayaan iska saaraynaa, waana la baari doonaa. Waxaan furnay Shabakad ay Shacabka Soomaaliyeed noogu soo Gudbin karaan Wixii Cabasho ah oo ay qabaan iyo Macluumaadka ku aaddan Dadka laga dilay,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka AMISOM.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore waxay Muqdisho iyo Qaybo ka mid ah Gobollada Soomaaliya ku dileen Shacab aan Waxba galabsan, iyadoo aanay jirin mag-dhow illaa hadda laga bixiyay.

XIGASHO:-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip