Turkiga oo u digtay dalalka badda Mediterranean-ka

0
Wednesday December 11, 2019 - 21:29:59 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo u digtay dalalka badda Mediterranean-ka

    Turkey ayaa maanta ka digtay inay dalalka kale ka hor-istaagi doonto in ay sahmin iyo gaas qodis ka sameeyaan bariga badda Mediterranean-ka, fasax la'aanteeda. Xiisad xooggan oo ku saabsan dhanka xuduudda badda ayaa ka taagneyd gobolka dhowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkey ayaa maanta ka digtay inay dalalka kale ka hor-istaagi doonto in ay sahmin iyo gaas qodis ka sameeyaan bariga badda Mediterranean-ka, fasax la'aanteeda. Xiisad xooggan oo ku saabsan dhanka xuduudda badda ayaa ka taagneyd gobolka dhowaanahan, kadib markii laga helay keyd gaas oo aad u baaxad weyn. Heshiis dhinaca badda ah oo bishii tagtay dhex maray Turkey iyo Libya ayaa ka carreysiiyey dalalka kale ee xuduudda la leh badda Mediterranean-ka, islamarkaana wiiqay rajadii Greece ee gaas sahminta. "Cidna gaas qodis kama sameyn karto qalfoof badeeddeena, haddii aynan u fasaxin," waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu. Mar wax laga weydiiyey sida Turkey uga jawaabi doonto arrintan, ayaa Mevlut Cavusoglu waxa uu yiri "dabcan waan ka joojin doonnaa." Hase yeeshee Cavusoglu waxa uu intaas ku daray in Turkey ay diyaar u tahay inay la fariisato Greece, si muranka loo xaliyo. "Ma doorbideyno xiisad, waxaan doorbideynaa hanaan xaqiijin kara xuquuqda labada dal, si waafaqsan xeerka caalamiga ah," ayuu yiri.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip