Dil Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

0
Saturday December 07, 2019 - 21:14:21 in Wararka by
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

    Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa ay Maanta ku dileen Nin la sheegay inuu Odey ahaa. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in dilkan uu sigaar ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa ay Maanta ku dileen Nin la sheegay inuu Odey ahaa. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in dilkan uu sigaar ah uga dhacay qeybta lagu iibiyo Daawadda ee Suuqa Bakaaraha, isla markaana Ninkaas la toogtay xiligi uu halkaas ku sugnaa. Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta, iyagoo ka soo qaaday Meydka Odeya la toogtay, waxaana halkaas ay ka sameeyeen baaritaano kala duwan.Warar qaar ee la helayo ayaa sheegaya in Odeyga ee la dilay uu kamid ahaa Dadaaleyda dhulalka Guryaha ku yaalla Muqdisho, waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay dilkaas. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhacay dilala qorsheysan oo ay geystaan ragga dhalinyarada ah ee ku hubeysan Bastooladaha, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-shabaab.
 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip