Dad badan oo lagu xasuuqay Ciraaq

0
Saturday December 07, 2019 - 21:28:35 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad badan oo lagu xasuuqay Ciraaq

    Saraakiisha dalka Ciraq ayaa sheegay in tirada dadki Jimcihi lagu dilay bannaanbixi Baghdad ay hadda gaartay ugu yaraan 20 qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 230 qof. Nin hubeysan oo aanan wali la garan balse loo maleynayo inuu ka mid yaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha dalka Ciraq ayaa sheegay in tirada dadki Jimcihi lagu dilay bannaanbixi Baghdad ay hadda gaartay ugu yaraan 20 qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 230 qof. Nin hubeysan oo aanan wali la garan balse loo maleynayo inuu ka mid yahay taageerayaasha dowladda ayaa rasaas oodda uga qaaday dad xalay ku mudaaharaaday meel u dhaw teendhada ugu weyn ee ay ku hoydaan mudaaharaadayaasha oo ku taalla agagaarka Fagaaraha Tahrir ee magaalada Baghdad. Wakaaladda wararka AP ayaa ku warrantay in xitaa ay jirreen dad toorreey lagu dooxay kuwaasoo ka mid ah dhaawacyada la dhigay isbitaallada. Dhacdadi xalay ayaa lagu tilmaamay tii ugu dhiig-daadashada badneyd tan iyo inti uu billowday bannaanbaxa, sidoo kalana waxay timid todobaad kaddib marki uu is casilay Ra'isulwasaare Adel Abdul Mahdi, kaasoo isu casilay bannaanbaxayada looga soo horjeedo dowladda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip