Puntland oo faahfaahisay Khasaaraha ka dhashay roobab dabeylo wata

0
Saturday December 07, 2019 - 21:26:42 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo faahfaahisay Khasaaraha ka dhashay roobab dabeylo wata

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyay roobab dabeylo wata oo Saacaddihii lasoo dhaafay ka da'ay degaanada maamulkaPuntland. Wasiirka ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyay roobab dabeylo wata oo Saacaddihii lasoo dhaafay ka da'ay degaanada maamulkaPuntland. Wasiirka ayaa sheegay in Khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed ay sababeen roobabka ka socda degaanada maamulka Puntland,islamarkaana ay waddaan gurmadyo kala duwan. Waxaa uu xaqiijiyay dhimashadda hal qof oo ku dhintay gobolka Bari, doonyo ay la tageen biyaha iyo Burburka Wadooyinka. Degaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da'ay roobab mahiigaan dabeylo watay, kaasoo saababay daadad xooggan oo ku soo rogmaday qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee deegannada Puntland, taasi oo sababtay in uu hakad galo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha. Degaanada ay saameeyeen roobabka watay dabeylaha ayaa waxaa kamid ahaa Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo deegaanno ku dhaw dhaw, waxaana ilaa hadda aan war laga haynin xaaladda deegaanadaas, maadaama ay go'een khadadkii taleefannada.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip