Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo gaaray Berbera

0
Saturday December 07, 2019 - 21:22:43 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo gaaray Berbera

    Madaxweyne xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa si weyn loogu soo dhaweey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa si weyn loogu soo dhaweeyey. Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Mashruuca JPLG ee Dawladaha Hoose ee Berbera, Burco iyo Oodweyne, mashruucan oo uu Madaxweyne ku xigeenku gadhwadeen ka yahay ayaa sannadkiiba hal mar uu kusoo kormeeraa Degmooyinka uu mashruucaasi ka socdo. Maayirka Degmada Berbera iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Berbera oo uu kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxa ay ka warbixiyeen geedi socodka Mashuurca JPLG, waxa uga qabsoomay muddadii ay joogeen iyagoo si rasmiya usoo bandhigay wax qabad buuxa iyo taabagelinta qorshihii mashruucaasi, waxaana ay sheegeen inay xooga saareeen Caafimaadka iyo Waxbarashada. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadin usoo jeediyey Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo ay horkacayaan Maayirka iyo Xoghayaha fulinta, waxaana uu ku amaanay masuuliyada xilkasnimada leh ay sameeyeen iyo siday uga dhabeeyeen himiladii mashruucaasi dhankooda. Ugu Horayn Madaxweyne ku xigeenka oo halkasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yiri "Waxaa maanta Farxad weyn noo ah inaanu maanta nimaadno Degmadii Berbera kormeerkii sannadlaha ahaa ee mashruuca JPLG-ga, iyadoo aanu sannad walba mar soo marno degmooyinka uu ka socdo mashruucaasi, marwalbana aanu kusoo horayno degmada Berbera"



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip