Somaliland oo sheegtay in dhismaha maamul goboleed laga waddo Sool iyo Sanaag

0
Saturday December 07, 2019 - 21:18:52 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo sheegtay in dhismaha maamul goboleed laga waddo Sool iyo Sanaag

    Gudoomiyaha xisbiga Mucaaraadka ah ee UCID Faysal Cali Waare ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay waddo dadaallo Gobolada Bariga Somaliland looga dhisaayo maamul goboleed ka madax banaan Somaliland iyo Puntland. Waxaa uu sheegay in Mas&#

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaraadka ah ee UCID Faysal Cali Waare ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay waddo dadaallo Gobolada Bariga Somaliland looga dhisaayo maamul goboleed ka madax banaan Somaliland iyo Puntland. Waxaa uu sheegay in Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Gudoomiyihii hore baarlamaanka maamulka Puntland qorshaha maamul goboleed loogu dhisaayo Sool iyo Sanaag ay ka waddaan Magaalada Addis Ababa. Faysal Cali Waare ayaa sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin in maamul laga dhiso gobolada Sool iyo Sanaag oo ka mid ah dhulka Somaliland,islamarkaana Somaliland ay qaadi doonto tilaabada ku haboon. Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoob), ayaa dhawaan gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia. Waxaa uu halkaasi kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Cameey). Dhoobo daareed ayaa wadda dadaallo ka dhan ka ah maamulka Puntland , waxaana uu sheegay in uu dhisi doono maamul ka Madax banaan maamulka Puntland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip