Dowladaha Maraykanka Iyo Ethiopia Oo Ka Shiray Ammaanka Somalia

0
Friday December 06, 2019 - 09:05:16 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladaha Maraykanka Iyo Ethiopia Oo Ka Shiray Ammaanka Somalia

    Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa Tibor Nagy waxa uu shalay magaalada Waashitoon ee dalka Maraykanka kula kulmay wasiirka difaaca ee dalka Ethiopia oo maalmahaan booqasho ku joogay dalkaas. Warbahinta Faana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa Tibor Nagy waxa uu shalay magaalada Waashitoon ee dalka Maraykanka kula kulmay wasiirka difaaca ee dalka Ethiopia oo maalmahaan booqasho ku joogay dalkaas. Warbahinta Faana aya ku warantay in labada masuul ay ka wadahadleen muhiimadda xaladda amaniga ee geeska Africa gaar ahaana Soomaaliya,Suudaan iyo South Suudaan, Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maaykanka u qaabilsan arrimaha Africa ayaa sheegay ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray ciidanka Ethiopia ee howlgalka u jooga dalalka Somalia iyo Suudaan in ay tahay qaaraan guud oo ah nabadda gobolka. Kulanka labadaan masuul ayaa ku soo beegmay iyada oo siyasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda Somalia ay ku eedeynayaan dowladda fedraalka Somalia in ciidamo Ethiopia ah oo an qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM in ay geysay deegaanada Gamudug gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb.Dhankiisa Wasiirka difaaca ee Ethiopia oo Todobaadkii hore booqasho ku tegay Maraykanka waxaana uu sheegay in ay wadaageen xaaladda ammaanka ee gobolka xiriirka Sirdoonka iyo Milatariga heerka uu gaarsiisanyahay.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip