Dharkiinley oo ku guuleysatay koobka kubadda cagta ee Degmooyinka G/Banaadir (SAWIRRO)
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo soo xiray Horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda uu tartankaani u lahaa isdhexgalka bulshada iyo nabadeynta Caasimadda.
Gudoomiyaha ayaa u hambalyeeyey Kooxda Dharkiinley oo hanatay sanadkan Horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale bogaadiyey dhammaan ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka ka qeyb qaatay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tartan
"Ciyaarahan caawa aan soo gabagabeynay waxa ay ka tarjumayaan qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Dib u kabashada Caasimadda ee dhanka amniga iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha waxa ay rajo gelinayaan dhallinyaradeenna Soomaaliyeed oo u badan dad firfircoon, hibo iyo xirfadba leh." Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Waaberi dadaalka ay muujiyeen, iyagoo sanadkii saddexaad oo xiriir ah soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol ee ka qeyb qaatay qabsoomidda tartankan, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii joogteeyo, lana sii dhiirri geliyo dhallinyarada Caasimadda.
Daawashada cayaarta kama dambeysta ah ee Horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa Duqa Caasimadda ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoonka Cayaaraha heer Qaran iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dharkiinley oo ku guuleysatay koobka kubadda cagta ee Degmooyinka G/Banaadir (SAWIRRO)
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo soo xiray Horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda uu tartankaani u lahaa isdhexgalka bulshada iyo nabadeynta Caasima