Dowlada oo ka hadashay Arrinta C/raxmaan Cabdi Shakuur

0
Friday December 06, 2019 - 21:04:20 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada oo ka hadashay Arrinta C/raxmaan Cabdi Shakuur

    Dowladda Soomaaliya oo gaashaanka u daruurtay eedo uu shalay u jeediyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku andacooday inay iyaga soo abaabuleen hadal uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir Aweys. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo gaashaanka u daruurtay eedo uu shalay u jeediyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku andacooday inay iyaga soo abaabuleen hadal uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir Aweys. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa sheegay in arrinta lagu heysto C/raxmaan Cabdi Shakuur ay tahay mid Diini ah oo Culimadda Soomaaliyeed ay ku heystaan. Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBc-da ayuu sheegay in arrintaan aysan aheyn mid dowladeed iyo dad ay is hayaan C/raxmaan Cabdi Shakuur,hayeeshee looga baahan yahay in uu iska bari yeelo arrinta ay Culimadda ku heystaan. "Waxaan ugu baaqayaa siyaasiga in uu qabto Kulan Culimo ah oo uu ku dhageysiinayo warkiisa iyo waxa ay ka qabto Diinta,hadii ay sheegaan in uusan dambi laheyn wuu iska bari yeelay hadii ay dhahaan waad qaldan tahay hatago masaajidka ugu dhow ee ha towbad keeno ayuu yiri "wasiir Mareeye. Wasiirka ayaa waxaa wax laga weeydiiyey hadalkii Sheekh Xasan Daahir Aweys oo uu C/raxmaan Cabdi Shakuur Dowladda ku eedeeyey inay u adeegsaneyso,waxaana uu sheegya in Xasan Daahir uu yahay muwaadin u arkay in Diintiisa wax laga sheegay oo difaacaya xorna ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip