Mareykanka: Waxaa suurta-gal ah in 1,000 qof lagu dilay Iran

0
Friday December 06, 2019 - 21:00:06 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka: Waxaa suurta-gal ah in 1,000 qof lagu dilay Iran

    Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamada Iran ay suurta-gal tahay inay dileen in ka badan 1,000 qof, intii lagu guda jiray dibad-baxyo socday saddex toddobaad oo ka dhashay sare u qaadis deg deg ah oo ay dowladda ku sameysay qiimaha shid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamada Iran ay suurta-gal tahay inay dileen in ka badan 1,000 qof, intii lagu guda jiray dibad-baxyo socday saddex toddobaad oo ka dhashay sare u qaadis deg deg ah oo ay dowladda ku sameysay qiimaha shidaalka. "Waxay u muuqataa in taliska uu dilay kun qof oo shacab Iiraaniyiin ah, tan iyo markii dibad-baxyada ay billowdeen," waxaa sidaas yiri wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan Iran, Brian Hook. Hook ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay heshay 32,000 oo muuqaallo ah, oo ay ku jiraan sawirro laga qaaday Koonfurta Iran, halkaasi oo ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah la tuhmayo inay ku ceyrsadeen koox dibad-baxayaal ah, ayna ku fureen rasaas, ayaga oo dilay qiyaastii 100 qof. Hook ayaa sheegay in ciidamada Iran ay sidoo kale dhaawaceen "dhowr kun", ayna xireen uygu yaraan 7,000 oo qof. Hook ayaa qiray inay adag tahay in la xaqiijiyo tirada rasmiga ah ee dhimashada, hase yeeshii waxa uu yiri "waxaan ognahay inay yihiin boqolaal qof." Cilmi-baaraha hay'adda xuquuqda aadanaha Amnesty International ee Iran Mansoureh Mills ayaa sheegtay inaysan waxba ka oran karin dhimashada kunka qof, ayna ku ekaanayaan qiyaastii ugu dambeysay Amnesty oo ah 208 qof.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip