Ayax ku habsadey qaybo badan oo gobolka Sool ka tirsan

0
Friday December 06, 2019 - 18:57:19 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayax ku habsadey qaybo badan oo gobolka Sool ka tirsan

    Ayax xoogleh ayaa soo gaadhey duleedka magaalada Laascaanood kaas oo cagta marinaya daaqa dhulkaasi ka soo baxay xili roobaadkii dayrta. "Waa Ayax iyo Koronkoro wada socda, waxaan arkay maraan tegey dhidinka waqooyi ka xiga Laascaanood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayax xoogleh ayaa soo gaadhey duleedka magaalada Laascaanood kaas oo cagta marinaya daaqa dhulkaasi ka soo baxay xili roobaadkii dayrta. "Waa Ayax iyo Koronkoro wada socda, waxaan arkay maraan tegey dhidinka waqooyi ka xiga Laascaanood" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Maxamed Daadey isuduwaha wasaaradda Beeraha gobolka Sool. Daadey waxa uu intaas ku daray in ay wada socdaan Ayax waawey iyo dhashiisa oo hada dilaacday, waxaanu ka digey hadaan degdeg wax looga qaban in aafo weyn reebi doon, waxaanu xusay in ay agabkii lagu dagaalami kari lahaa ay wax ka hayaan balse u baahan yihiin gacan dheeraad ah. Dhinaca kale waxaa laga soo sheegayaa dhul badan oo gobolka Sool ka mid ah siiba degmooyinka Caynabo iyo Xuddun oo dhibaato weyn ku hayo dad iyo duunyaba.

"Waxaa uu ku habsadey dhamaan meelihii daaqa lahaa, xoolihii way ka cararayaan oo inay daaqaan wuu u diidey" sidaa waxa sheegay Maxamuud Axmed Aadan oo ka mid ah dhaliyarada degmada Xuddun, waxaanu intaas ku daray inay wadaan dhalinyaro ahaan daddaal ay doonayaan in ay kaga kiciyaan dhulka.

 
Meelaha qaarkood waxaa la sheegay in loo adeegsadey rasaasta nool taas oo inbadan dhulka lagaga kiciyey siiba degaano ka mid ah Ganbadhe oo bari kaga aadan Laascaanood.
 
Ayaxan ayaa waxaa ay dad waayeel ahi sheegayaan in haatan aan dhibkiisu badnaan doonin balse xili roobaadka soo socda ay dilaaci doonto ugxanta ay reebaan.
 
Xiligan ayaa rajo weyn laga qabaa roobab la saadaalinayo in maanta ka bilaabmaan guud ahaan gobolka Sool.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip