Puntland oo ka hadashay Odayaal lagu xiray Boosaaso

0
Tuesday December 03, 2019 - 21:11:27 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo ka hadashay Odayaal lagu xiray Boosaaso

    Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xabsiga dhexe ee magaaladda Boosaaso waxay u taxaabeen shan qof oo isugu jira Nabadoono, Cuqaal iyo Siyaasiyiin. Mas'uuliyiintan ayaa dhowaan magaaladda Boosaaso ku qabtay shir ay ku dhaliileen xukuumada maamu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xabsiga dhexe ee magaaladda Boosaaso waxay u taxaabeen shan qof oo isugu jira Nabadoono, Cuqaal iyo Siyaasiyiin. Mas'uuliyiintan ayaa dhowaan magaaladda Boosaaso ku qabtay shir ay ku dhaliileen xukuumada maamulka Puntland. Boosaaso ayaa sidan oo kale horey loogu xiray odayaal iyo siyaasiyiin jeediyey hadallo ka dhan ah xukuumadda, kuwaas oo markii dambe la sii daayey. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Sabarey ayaa sheegay Odayaasha iyo Waxgaradka Bosaaso lagu xiray in ay Amniga halis ku ahaayeen. Waxaa uu sheegay in ay hayaan Cadeymo muujinaya in ay doonayaan in ay dumiyaan maamulka Puntland, islamarkaana taageero ay ka helayaan Shaqsiyaad doonaya in Puntland burburto. Waxaa uu sheegay in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono, islamarkaana Sharciga la marsiin doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip